Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Somalida UK Oo Dhigay Dibadbax Cabasho Ah

Posted: July 6, 2019 at 6:37 am   /   by   /   comments (0)

Soomaalida ku dhaqan degaanka Bury ee dalka UK ayaa dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Gabar 12 jir ahayd oo lagu tuuray Wabiga Irwell ee Magaalada Lancashire.

Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ahayd ayaa Meydkeeda 28kii Bishii June laga helay Wabiga iyada oo aan la garaneyn cidda sidaas yeeshay.

Qoyskeeda, deriska iyo Ardeydii ay isku Iskuulka ahaayeen ayaa banaanbax ka dhigay Magaalada Lancashire.

Waxaa ay dalbadeen in Boolisku baaritaan degdeg ah ku sameeyo ciddii ka dambeysay falkaas xun ee lagu dilay gabadha Soomaaliyadda ahayd.

Dadkan ayaa Jimcihii shalay isugu soo baxay Masaajidka Nuurul Islaam ee Magaalada  Lancashire, waxaa ay halkaas ugu baroordiiqeen Shukri iyaga oo dalbaday in Gabadhaasi caddaalad hesho.

Dalab lagu doonayo baaritaan lagu sameeyo kiiska lagu dilay gabadhaas ayaa maraya 30,000 oo saxiix,waxaana Booliska Manchester laga codsaday in ay baaritaan rasmi ah ku sameeyaan arrintan.

Maz Saleem, oo ka mid ah dadka u dhaq dhaqaaqa isir naceybka ayaa waxaa uu ku baaqay in banaanbaxa uu sii socdo ilaa ay Shukri ka hesho caddaalad.