Featured, Arrimaha Siyaasada
DFS Oo Sheegtay Iney Jiraan Dalal Halis Ku Ah Qarannimada Soomaaliya
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kulan uu Muqdisho kula qaatay Danjirayaasha dalalka Caalamka u jooga Muqdisho.
Wasiirka uu kulanka kaddib la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay shirka ay ka mid ahayd in dowladda SOomaaliya soo dhaweysay heshiiska ay gaareen dhinacyada Suudaan.
Soomaaliya ayaa caaalamka ugu baaqday in la taageero dowladda Suudaan ee xilliga adag ku jirta waxaana ay arrintan Soomaaliya kala hadashay danjirayaasha fadhigoodu yahay Muqdisho.
Dhinaca kale wasiir Cawad oo ka hadlayay xiriirka ay Soomaaliya u jartay Dalka Guinea ayaa sheegay in Dalkaas uusan kaliya u gefin madaxbnaanida Soomaaliya ee uu caqabad ku yahay wadahadalka dowladda Federaalka ah iyo Somaliland.
Wasiir Cawad ayaa sheegay in Soomaaliya ay u taallo arrinta Guinea ku dhaqaaqday islamarkaana aysan jirin cid kale oo ay u wakiilaneyso.
Wasiirka ayaa shirkiisa Jaraa’id ka sheegay in ay jiraan dowlado shisheeye oo wada wax uu ku tilmaamay mid qatar ku ah midnimada Soomaaliya inkasta oo uusan magacaabin dalalkaas.
Axmed Ciise Cawad ayaa xusay in madaxda Somaliland ay horay u tageen dalal kale islamarkaana dalalkaas ay raalli gelin ka bixiyeen khaladka ka dhacay.
Waxaa uu Caalamka ugu baaqay in cidkasta oo la xiriireysa Somaliland ay muhiim tahay in ay soo marto dowladda Federaalka ah si loo ilaaliyo madaxbanaanida Soomaaliya.
Maandeeq
Muqdisho, Somalia
Recent Comments