Featured, Sport
Brazil Oo Hanatay Koobka Copa América 2019
Xulka qaranka Brazil ayaa ku guuleystay tartanka Copa América 2019, kaddib markii ay 3-1 uga adkaadeen dhiggooda Peru kulankii Final-ka ahaa ee ka dhacay garoonka Maracanã.
Kulankan waxaa goolka la horreeyey xulka Brazil, waxaana goolka hore u daah furay 15’daqiiqo ciyaaryahan Everton, kaddib caawin uu ka helay Gabriel Jesus, Peru ayaana lagu hoggaamiyey 1-0.
Peru ayaa iska soo guday goolkaas 44’daqiiqo waxaana rigoore loo dhigay gool u rogay ciyaaryahan Jose Paolo Guerrero, kaasoo kulanka ka dhigay gar isku mid ah 1-1, waxaana goolkaasi uu ka dhignaa goolkii ugu horreeyey ee tartankan laga dhaliyo Brazil.
Inta aan la’ aadin qeybta nasashada xulka Brazil ayaa markale hoggaanka ciyaarta la wareegay waxaana u dhaliyey caawiyaha goolkoodii koowaad ee Gabriel Jesus, ciyaarta ayaana lagu kala nastay 2-1 looga gacan sarreeyey Peru.
Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay, waxaa xulka Brazil kaarka cas ka qaatay 70’daqiiqo Gabriel Jesus, taasoo ka dhigan inuu kulankan gool dhaliyey mid kalena caawiyey isla markaana garoonka laga saaray.
Laakiin dhammaadkii ciyaarta xulka Brazil ayaa natiijada ciyaarta dhinac u rogay kaddib markii ay la yimaadeen goolka saddexaad ee kulankan, waxaana rigoore lagu abaal-mariyey gool u rogay Richarlison ciyaarta ayaana ku soo dhammaatay 3-1 ay ku adkaadeen Selecao.
Recent Comments