Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Xeerka Saxaafadda

Posted: July 8, 2019 at 6:39 pm   /   by   /   comments (0)

Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya.

Xeerkan oo ay Xildhibaannada saaka mariyeen aqrinta 3aad ayaa markii ay dhameeyeen kaddib cod loo qaaday waxaana oggolaatay 139 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusan mana jirin Xildhibaan diiday.

Xeerkan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaankii sagaalaad,waxaase la soo noqday Baarlamaankan 10aad markii ay cabasho ka timid qaar ka mid ah Qodobada Xeerka oo aad u adkaa.

Xildhibaannada ayaa dib u eegis ku sameeyay Xeerkan oo ay mariyeen saddex aqrin sida caadiga ah ee ay aqrinta u mariyaan xeerarka kaleba.

Maanta ayeyna u codeeyeen in xeerkaasi noqdo Xeerka saxaafadda Dalka iyada oo loo gudbinayo Golaha aqalka sare aqrin iyo dib u eegis kaddibna ay u gudbin doonaan Madaxweynaha marka ay iyaga ansixiyaan.