Xulashada Tafatiraha, Featured
Garashada Somaliland Iyo Joojinta Dagaalka Ceel-afweyn
Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ka socdan deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan hoostaga deegaanka Ceel-afweyn ee gobolkaasi.
Waxa uu dagaalkan, 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu ku fiday deegaanno badan, iyadoo khasaarahana uu aad u kordhay.
Dhimashada ayaa ku dhow 30 qof, iyadoo 50 kalena dhaawac uu soo gaaray, sida ay Maandeeq u xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo saraakiil caafimaad oo aynu xiriir la sameennay.
Ma jirto weli cid kala dhex-gashay beelahan is haya, iyadoo marar bandanna sidan oo kale u dagaallameen.
Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kulan degdeg ah oo uu qabtay wuxuu ammar ku bixiyey in la kala dhex-galo beelahan is haya, iyadoo weli aanay ciidanku bixin.
Dadka falanqeeya dhanka ammaanka ayaa u sheegay Maandeeq, in xilli hore ay ahayd in ciidanka Somaliland la geeyo deegaannada, maadaama dagaalka uu kahorreeyey hub uruursi iyo isku wacasho.
Saameynta dagaalkan:
Dagaalkan ayaa ah mid aad u sameeyay deegaanka, waxaana uu geystay khasaare dhan walbo leh.
Ka sokow dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay dagaalkan, waxaa jira barakaca dadka rayid ah, faarujinta deegaanno ay dad walaalo ah wada deganaayeen, burburka deegaanka iyo sidoo kale hantida halkaasi ku baaba’aysa.
Waxaa jiray dedaallo badan oo lagu bixyey joojinta dagaalladan iyo heshiisyo in la gaaro, balse dhammaantood waxay noqdeen kuwo bacaad lagu lisay.
Kaalinta Waxgaradka:
Waxgaradka ayaa ah meesha ugu dambeysa ee xalka, balse hadda waxay u muuqataa in dagaalkan uu xitaa dhaafay xalkii waxgaradka.
Shirar hore oo dhacay waxaa jirtay ballamo la kala galay, diyo la kala qaatay iyo sidoo kale nabadda oo lagu ballamay, balse intaasi oo dhan waxba kama aanay suurtagelin.
Si kastaba, dagaallada Ceel-afweyn waxay u baahan yihiin xal rasmi ah iyo in la gaaro heshiis sal adag ku fadhiya.
Maandeeq
Muqdisho, Somalia
Recent Comments