Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

DFS Oo Shaacisay Waqtiga Ay Bixineyso Mushaarka Ciidanka Ahlu-sunna

Posted: July 10, 2019 at 7:16 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in ay billaabeyso bixinta Mushaarka Ciidamadii  Ahlu Sunna ee ay dhawaan la wareegtay dowladda Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyte ayaa Magaalada Gaalkacyo ka sheegay in laga billaabo Bisha sideedaad ee sanadkan ay dowladda Federaalka ah bixineyso mushaarka Ciidamada Ahlu Sunna ee ku biiray dowladda.

Waxaa uu xusay in booqashadiisa Galmudug ay horseedday in beelo badan ay hubka iyo ciidankii u gaarka ahaa ku wareejiyaan dowladda Soomaaliya.

Ra’isalwasaaraha ayaa xusay in Magaalooyinka CabudWaaq, Xeraale, Huurshe  iyo Balanballe ay hub iyo ciidan ku wareejiyeen dowladda Soomaaliya.

Ciidamadaas ayuu intaas ku daray in dowladda la wareegtay lana diiwaangeliyay islamarkaana ka mid noqon doonaan Ciidamada xoogga dalka.

Xasan Cali Kheyre ayaa reer Gaalkacyo ugu baaqay in sidoo kale ay qaadaan tillaabooyinka nuucaas ah ee ay qaadeen beelaha Gobolka Galguduud.