Featured, Arrimaha Siyaasada
Axmed Madoobe Iyo Safiirka Talyaaniga Ee Soomaaliya Oo Kulmay
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Kulan la qaatay Safiirka Dowlada Talyaaniga ee Soomaaliya Ambassador Carlo Campalina.
Kulankan waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay xubno katirsan Golayaasha Maamulka waxaana diirada lagu saaray Xaalada Soomaaliya gaar ahaan Jubbaland waxaana Safiirku uu sheegay in ay rajaynayaan in wakhtiga lagu guda jiro Doorashooyinka Jubbaland in xaaladaha amaank iyo dagananshahu ay noqdaan mid wanaagsan.
Waxaa kale oo kulankan lagaga hadlay tageerada Dowlada Talyaaniga ay siiso Jubbaland iyo sidii loo dhamaystiri lahaa heshiisyadii hore ee la xiriiray arimaha hormarinta.
Safiirka ayaa maanta tagay Kismaayo waxa uun kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, waxaana kulankaas looga hadlay arimaha Doorashada Jubbaland, arimaha Mashaariicda.
Recent Comments