Featured, Arrimaha Siyaasada
Sucuudiga oo Berbera dib ugu celiyay Markab wada 20 Kun oo Neef
Dowladda Sucuudiga ayaa Dekadda Magaalada Berbera ku soo celisay Markab waday 20kun oo Neef oo Ari ah, kaas oo u rarnaa Ganacsatada wax ka dhoofsada Dekadda Magaalada Berbera.
Saraakiil kala duwan ayaa xaqiijiyay in Markabka markii uu ku xirtay Dekadda Magaalada Jiddah la weydiiyay warqadda Caafimaadka xoolaha ee dowladda Federaalka ah ay bixiso lagana waayay.
Markabka oo noociisu yahay MV-FAHAD iyo Arigii oo saaran ayaa ku soo wajahan Dekadda Magaalada Berbera halkaas oo uu ku soo laabanayo.
Wasiirka Xannaanada Xoolaha Somaliland Xuseen Gaafaandhe ayaa xaqiijiyay in Sucuudiga soo celiyay Markabka u rarnaa Ganacsatada Somaliland,isaga oo sheegay in shuruud looga dhigay warqadda Caafimaadka Xoolaha oo ay bixineyso Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dowladda Federaalka ah.
Dowladda Sucuudiga ayaa dhawaan ku wargelisay Somaliland in Maraakiibta Xoolaha ka qaada Dekadda Berbera looga baahanyahay Warqad caafimaad oo ay bixisay Dowladda Federaalka ah.
Somaliland ayaa arrintaas ka dhega fureysatay waxaana Ganacsatadu Sucuudiga u dhoofiyeen Markan 20kun oo Neef oo Ari ah wada ,kaas oo hadda dib ugu soo wajahan Berbera.
Recent Comments