Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxaa Sababa Isbedallada Badan Ee Lagu Sameeyo Maamulka Hiiraan?

Posted: July 14, 2019 at 5:58 am   /   by   /   comments (0)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ka hadlay isbeddelka dhinaca maamulka ah ee lagu cel celiyo Gobolkaas.

Waare oo ka hadlayay xil wareejintii Yuusuf Dabageed iyo Carraale ayaa sheegay in isbeddelka faraha badan ee Gobolka Hiiraan uu sabab u yahay cudur ku jira Gobolka Hiiraan sida uu hadalka u dhigay.

Yuusuf Dabageed ayaa muddo bil ka badan diidanaa in uu xilka ku wareejiyo guddoomiyaha cusub ee loo magacaabay Gobolka Hiiraan.

Khilaafka ka dhashay xilka qaadista Yuusuf Dabageed ayaa sababay dhimashada taliyihii qeybta Booliska Gobolka Hiiraan iyo ciidamo kale markii ay isku dhaceen ciidan ka amar qaata Yuusuf Dabageed.

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa lixdii biloodba mar la magacaabaa waxaana sababta lagu sheegay khilaafka iyo is qab qabsiga u dhaxeeya beelaha isku haya guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.