Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

QM Oo Digniin Kasoo Saartay Doorashada Jubbaland

Posted: July 16, 2019 at 6:51 am   /   by   /   comments (0)

Qaramada Midoobey ayaa ka digtay in wax faragelin ah lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhawaan ka dhaceysa maamul Goboleedkaas.

Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay Magaalada Kismaayo shalay.

Mr Swan ayaa sheegay in uu la kulmay Madaxweynaha Jubaland, Guddiga xudduudaha iyo doorashooyinka Jubaland iyo xubno kale oo ay ka mid yihiin Xubnaha labada aqal ee Federaalka  ee ka soo jeeda Jubaland.

Waxaa uu ka tacsiyeeyay weerarkii ka dhacay Magaalada Kismaayo ee sababay dhimashada 26ka qof iyo dhaawaca 56  kale.

Mr James ayaa sheegay in Qaramada Midoobey ay soo jeedineyso in doorashada Jubaland waqtigeeda ku dhacdi islamarkaana wax rabshado ah aysan gelin.

Waxaa kale oo uu sheegay in uu ka digayo faragelin nooc kasta oo ay tahay oo lagu sameeyo doorashada Jubaland ee dhaceysa Bisha August.