Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured

Sacuudiga Oo Shuruud Ku Xiray Ganacsatada Xoolaha Somaliland

Posted: July 16, 2019 at 6:53 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Sucuudiga ayaa shuruud ku xirtay Ganacsatada Somaliland ee doonaya in ay Xoolaha ka dhoofa Berbera ka dejiyaan dekadaha dalka Sucuudiga.

Markabkii todobaadkii hore lagu xayiray Dekadda Jidda ayaa la siidaayay kaddib wadahadal ay yeesheen wakiillo ka socday Dowladaha Soomaaliya iyo Sucuudiga, Ganacsato u dhashay Somaliland iyo kuwa Sucuudiyaan ah oo xoolaha la wareegayay.

Wadahadalkaas ayaa waxaa ka dhashay in Markabka laga dajiyo Xoolaha islamarkaana Maraakiibta xoolaha Wadda ee ka baxaya Berbera aysan mardambe Sucuudiga geyn xoolo aan warqad caafimaad ka wadan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ganacsatada Somaliland iyo wakiillo Somaliland ugu lug lahaa kulankaas ayaa la sheegay in ay aqbaleen inkasta oo kulankii Golaha Wasiirrada ee Somaliland aysa ku soo hadal qaadin heshiiska Markabkaas lagu siidaayay.

Waxaa ay beeniyeen in dowladda Federaalka ah fasaxday Markabka, waxaa kale oo ay sheegeen in Ganacsatada Xoolaha ka dhoofisa Berbera ay u raadinayaan Suuq cusub.

Dallad ay ku mideysanyihiin Ganacsato Xoolaha ka dhoofisa Boosaaso ayaa iyaguna la sheegayaa in ay Ganacsatada Somaliland Shuruud uga dhigeen in ay warqad caafimaad ka qaataan Boosaaso si xoolahooda loogu dhoofiyo Dalka Cumaan.

Dalka Cumaan ayaa bil kasta loo dhoofiyaan 10,000 (toban kun) oo Dibi kuwaas oo ka baxa  Dekadda Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari.

Dalalka Sucuudiga, Yemen iyo Cumaan ayaa ah dalalka ugu badan ee Carbeed ee dhoofsada Xoolaha kala duwan ee laga qaado Xeebaha Soomaaliya.