Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiir Iska Casilay Puntland

Posted: July 18, 2019 at 7:54 am   /   by   /   comments (0)

Wasiiru dowlaha Madaxtooyada iyo Federaalka Puntland Saalax  Xabiib Jaamac ayaa iska casilay xilkaas,waxaa uu sidoo kale diiday xil cusub oo uu u magacaabay Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullahi Deni.

Saalax ayaa loo magacaabay Wasiiru dowlaha Wasaaradda Diinta iyo arrimaha dastuurka,waxaana uu sheegay in xilkii hore iyo kan cusubba uu iska casilay.

Qoraal uu xalay ku daabacay bartiisa Facebook ayuu Wasiir Saalax ku sheegay in uu ku faraxsanyahay muddada afarta sano ahayd ee uu la soo dhaqeeyay Xukuumaddii Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas iyo muddada afarta bilood ah ee uu la shaqeeyay Xukuumadda Siciid Cabdullahi Deni.

Wasiir Xabiib ayaa qoraalkiisa oo Ingiriis ku qornaa waxaa uu u dhignaa ” Waxaa sharaf weyn ii ahayd inaan shacabkayga aan u soo adeegayay 4 sanno ee la dhaafay, lana soo shaqeeyy xukuumadda madaxweyne Gaas. muddo 4 biloodna aan la soo shaqeeyay xukuumadda Deni” ayuu yiri Wasiir Saalax Xabiib.

Saalax ayaa horay u ahaa Wasiirkii arrimaha Diinta iyo Caddaaladda ee Xukuumaddii Gaas,waxaana uu ahaa wasiirka kaliya ee Xukuumadda Deni ka soo raacay Xukuumaddii ka horreeysay ee C/wali Maxamed Cali Gaas.