Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxaa Looga Hadlayaa Kulanka Maanta Ee Aqalka Sare?

Posted: July 20, 2019 at 7:33 am   /   by   /   comments (0)

Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay yeelanayaan kulan ka mid ah kulamadooda caadiga ah.

Kulanka maanta ee Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya ayaa waxaa uu ku saabsan yahay hindise sharciyeedka Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Xeerkan ayaa waxaa horay u soo meel mariyay Golaga shacabka Soomaaliya oo saddex aqrin mariyay una gudbiyay Golaha aqalka sare ee dalka.

Xildhibaannada aqalka sare ayaa waxaa ay xeerkan marin doonaan labada aqrin ee u dhiman waxaana ay kaddib u codeyn doonaan sharci ahaashaha xeerkan.

Intaas kaddib marka uu ka dhamaado Golaha aqalka sare waxaa uu mar kale u gudbayaa Madaxweynaha Soomaaliya oo isaguna saxiixaya kuna soo saaraya faafin rasmi ah markaas oo uu noqonayo sharciga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee dalka.

Xeerkan waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Caafimaadka iyo adeegga Bulshada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.