Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Turkiga Oo Cambaareysay Qaraxii Shalay Ka Dhacay Muqdisho

Posted: July 23, 2019 at 8:14 am   /   by   /   comments (0)

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii qaraxa loo adeegsaday ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Km4.

War qoraal oo kasoo baxay wasaaradda ayay ku sheegtay in ay aad uga walaacsantahay una cambaareyneyso waxyeelladii foosha xumaa ee uu sababay qaraxaas oo ay ku dhinteen 17 qof 30 kalena ay ku dhaawacmeen

“Waxaan si kulul u cambaareynaynaa weerarkii argagixiso ee loo adeegsaday baabuur walxo qarxa laga soo buuxiyay ee Muqdisho ka dhacay oo ay ku dhinteen dad farabadan “ ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda.

Wasaaradda ayaa sidoo kale tacsi u dirtay ehelladii iyo qoysaskii ay ka baxeen dadkii qaraxaasi ku naf waayay waxayna caafimaad deg deg ah u rajaysay dadkii dhaawacyadu haleeleen.

Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas oo ay ku tilmaantay mid ay ku beegsatay askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugnaa bar koontorool.

Weerarka shalay ka dhacay Muqdisho ayaa ku soo beegmay laba maalmood un kaddib markii laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya ay soo saareen digniino ku aaddan suuragalnimada in uu magaalada ka dhaco weerar loo adeegsado baabuur laga suu buuxiyay walxo qarxa.

Laba todobaad ka hor ayay ahayd markii kooxda Shabaab ay qarax iyo weerar fool ka fool ah ku qaadeen hotel ku yaalla magaalada Kismaayo, kaasoo ay ku dhinteen 26 qof oo rayid ah tira kalana ay ku dhaawacmeen.