Featured, Arrimaha Siyaasada
Amarro Laga Soo Saaray Gaadiidka Lagu Dhacay Boosaaso
Guddoomiyaha Magaalada Beledweyne xarunta Gobolka Hiiraan ee Maxamed Axmed Ibraahim Food-cadde ayaa amarro kala duwan ka soo saaray burcad iyo malleeshiyo beeleed Gaadiidka ku kala dhaca gudaha Magaalada.
Food-cadde ayaa sheegay in malleeshiyaadka Gaadiidka ku kala dhaca Beledweyne la qabanayo islamarkaana xarig iyo Ganaax lacageed la isugu darayo.
Waxaa uu sheegay in Dadka Gaadiidka waaweyn ku kala dhaca gudaha Magaalada ayuu sheegay in lagu ganaaxayo Kun doollar iyo lix bilood oo xabsi ah.
Sidoo kale Gaadiidka yar yar sida Bajaajta iyo wixii la mid ah dadka kala dhaca ayuu sheegay in lagu ganaxayo $500 Doollar iyo lix bilood oo xabsi ah.
Guddoomiyaha ayaa ka digay in ay sii socdaan waxa uu ku tilmaamay falalka ka dhanka ah amniga Magaalada Beledweyne ee ay wadaan Malleeshiyo mararka qaar salka ku haya Beelaha ay ka soo jeedaan.
Recent Comments