Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Afghanistan Oo Qalab Caafimaad Ugu Deeqday Soomaaliya!

Posted: July 23, 2019 at 8:20 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Afghanstan ayaa markii ugu horreysay Qalab Caafimaad u soo dhoofisay Soomaaliya kuwaas oo qeyb ka mid ah soo gaareen Soomaaliya.

Hamidullah Khadim, oo ah madaxa Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Herat ayaa sheegay in 25 nooc oo ah qalab caafimaad oo ay sameysay sharikadda Asia Pharma  loo diyaro Soomaaliya.

Markabkii ugu horreeyay ee wada Saddex Konteenar oo ka kooban 30 Tan ayaa loo soo diray Soomaaliya,waxaana uu saaran 25 nooc oo qalabka caafimaadka ah.

Waxaa sidoo kale hadda jidka ku laba Markab oo soo maraya Turkiga, waxaa kale oo jira afar Markab oo iyana hadda lagu rarayo qalabka Caafimaad sida uu sheegay  Hamidullah Khadim.

Sidoo kale Afar sharikadood oo kuwa Daawada ah ayaa ka shaqeynaya Herat,waxaa hadda la aas aasayaa lix kale si ay qeyb uga noqdaan Ganacsiga cusub ee Soomaaliya iyo Afghanistan.