Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Al-shabaab oo Ergooyin ku soo bandhigay Xarradheere

Posted: September 11, 2019 at 7:00 am   /   by   /   comments (0)

Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug waxaa ay ku soo bandhigeen qaar ka mid ah Ergooyinkii wax ka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya.

Al-shabaab ayaa sheegtay in 90 ka mid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Soomaaliya lagu soo bandhigay Magaaladaas.

Waxaa ay ka mid noqonayaan Boqolaal Ergooyin ah oo ku sugan degaannada ay ka taliyaan Al-shabaab kuwaas oo qaatay amar ka soo baxay AL-shabaab oo ahaa in ay isdiiwaangeliyaan.

Odayaashan oo kale ayey AL-shabaab horay ugu soo bandhigtay degaannada kala ah Buq Aqable, Fuulo Fulaay iyo meelo kale oo ka kala tirsan Gobollada Hiiraan iyo Baay.

Al-shabaab ayaa sheegay in ku dhawaad kun Ergo tageen degaannada ay ka taliyaan AL-shabaab halkaas oo loogu qabtay Siminaarro islamarkaana laga cafiyay dhinaca Al-shabaab.

Ergooynkan ayey AL-shabaab u qabteen 45 Habeen in ay isku diiwaangeliyaan, waxaana ay ku ekeyd 1dii Bishan, hayeeshee Al-shabaab ayaa sheegay in ay ku dareen 10 maalmood oo kale oo shalay ku ekeyd.

Ergada ugu badan ee ay Al-shabaab mar soo bandhigeen waxaa ay ku sheegeen 635 qof,waxaa ka dambeeyay kuwo kale oo lagu soo bandhigay degaanno kala duwan oo dhaca koofurta iyo bartamaha dalka.