Featured, Arrimaha Siyaasada
Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Odoyaal Iska Diiwaangeliyey Hirshabelle Iyo Galmudug
Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay 86 Oday dhaqameed oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen kuwii soo doortay Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya.
Odayaashan oo ay sheegeen in ay ka kala tageen Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay tageen degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.
Al-shabaab ayaa sheegtay in Odayaashaas aqbalay baaqii Al-shabaab ee ahaa in ay isdiiwaangeliyaan la cafiyay islamarkaana hadda kaddib aysan beegsaneyn Al-shabaab.
Goobta lagu soo bandhigay Odayaasha 86da qof ka koobnaa waxaa ku sugnaa Guddoomiyayaasha Al-shabaab ee Gobollada Hiiraan, Shabeellaha dhexe iyo Mudug.
Sida ay sheegeen Al-shabaab Guddoomiyayaasha ayaa kala ah Sheekh Kaba kudukade oo ah Guddoomiyaha Shabeellaha dhexe, Sheekh Guuleed Abuu Nabhaan, Guddoomiyaha Hiiraan iyo Sheekh Abuu Cadnaan oo ay sheegeen in uu yahay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
53 ka mid ah Odayaasha ayey sheegeen AL-shabaab in ay ka tageen Degaannada Maamulka Hirshabeelle halka 33 Oday ay ka tageen degaannada Galmudug.
Recent Comments