Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Al-shabaab: Waxaan Diiwaangelinnay 635 Ergo

Posted: September 1, 2019 at 10:18 am   /   by   /   comments (0)

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa war ka soo saaray baaqoodii 15kii July eek u aaddanaa in ay isdiiwaangeliyaan Odayaasha dhaqanka iyo Ergooyinkii ku lugta lahaa xulista Baarlamaanka Soomaaliya.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in 263 Oday dhaqameed hadda ku suganyihiin degaannada ay ka taliyaan sidoo kalena jiraan kuwo la xiriiray oo uu waqtiga u saamixi waayay.

Waxaa ay sheegeen in ay muddo kordhin 10 maalmood ah u sameeyeen islamarkaana heystaan fursad ay isku diiwaan geliyaan.

Waxaa ay intaas ku dareen in 213 Oday dhaqameed ay ku jiraan diiwaanka Al-shabaab hayeeshee aysan wali tegin degaannada ay ka taliyaan.

Tirada guud ee Ergada iyo Odayaasha soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya ayey Al-shabaab ku sheegeen in ay gaarayaan 635 Ergo ama Oday dhaqameed kuwaas oo qaatay baaqa Al-shabaab.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in ay jiraan Odayaal iyo Ergooyinka dalka dibaddiisa jira kuwaas oo la xiriiray Al-shabaab.

Maamullada Jubaland, Koofur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabeelle ayaa u hanjabay Odayaasha aaday degaannada AL-shabaab, waxaa dhowr ka mid ah lagu xiray Magaalooyinka Baydhaba, Garbahaarreey iyo Baladweyne oo ka kala tirsan Jubaland, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.