Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
AMISOM Oo Ballan Qaadday u Hoggaansamidda Xeerarka Caalamiga Ah
Ergeyga Midowga Afrika ee AMISOM Francisco Madeira ayaa ballanqaaday in howlgalka AMISOM uu ku dhegganyahay kuna dhegganaanayo ilaalinta xeerarka Caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Mr Madeira ayaa xaaladdan xuquuqul insaanka Soomaaliya gaar ahaan qeybta AMISOM uga warbixinayay Bahame Tom Mukirya oo ka mid ah Guddiga madaxabanaan ee la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha Soomaaliya.
Danjire Madeira ayaa sheegay in AMISOM ay waxbadan iska beddeshay dhinaca xuquuqda islamarkaana hadda tababarro siiso Ciidamada Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in ilaa hadda 600 ka mid ah Ciidanka Xoogga dalka ay AMISOM u tababartay ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in shaqaale amaan oo Soomaaliya ah islamarkaana gaaraya 500 oo qof ay u tababareen dhowrista xuquuqda aadanaha.
Intii uu maanta oo Khamiista ah wakiilkaas la hadlayay Frnacisco Madeira,waxaa uu ka deyriyay jawaab la’aanta Beesha Caalamka ee la xiriirta in aysan ka soo bixin ballamadii ay ka qaadeeyn AMISOM ee ahayd bixinta magta dhibaatada ay geystaan Ciidanka AMISOM.
Recent Comments