Featured, Arrimaha Siyaasada
AMISOM Oo Miino Baaris Ka Wadda Sh/dhexe
Wararka ka imaanaya Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe waxa ay sheegayaan in ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ay bilaabeen howlo miino baaris ah.
Ciidamada ayaa si gaar ah Miino baarista ugu sameeyay Deegaanno hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Askarta Burundi Waxa ay xireen waddooyinka Muhiimka ah ee gala Magaalada Mahadaay intii ay ku howlanaayeen miino baarista.
Howlgalkaan ayaa yimid, kadib markii Askar katirsan Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM labo qarax loo dhigay Deegaanka Buurane oo Mahadaay kaga jiheysan dhanka galbeed.
Ma jirto Natiijo ay kasoo saareen howlgalka Miino baarista ah oo ay AMISOM ka sameeyeen waddooyin muhiim u ah isku socodkooda Degmada Mahadaay iyo qaybaha kala kale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Al-Shabaab oo sheegtay qaraxyadii Miino ee waxyeelada gaarsiisay Ciidamada Burundi waxa ay sheegeen in ay ku dileen 5 Askari oo u dhashay Burunid, balse dadka deegaanka waxa ay sheegeen in Ciidamada Midowga Afrika ay kaga geeriyoodeen 4 Askari.
Recent Comments