Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Amniga Muqdisho Oo Laga Shiray
Kulankaan looga hadlayay amniga Caasimadda ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shir gudoomiyay fadhigaan oo la isaga xog wareysanayay Amniga Caasimadda iyo howlgaladii ugu dambeeyay.
Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kulanka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta in howlgalo lagu soo qabtay Maleeshiyaad uu ku sheegay in ay dhib ku hayeen Shacabka Degmooyinka Wadajir, Hodan iyo Dharkiinley.
Sidoo kale waxa uu intaa ku daray in lasoo qabtay Askari fakad ahaa oo ku sugnaa guri uu leeyahay siyaasi aysan soo bandhigin Magaciisa iyo sababta uu baxsadka u ahaa.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa kulanka kadib sheegay in Hay’adaha amniga Caasimadda la faray in ay la isla xisaabtamo si Amniga uu usii hormaro sida uu hadalka uu hadalka u dhigay.
Mas’uuliyiinta Amniga Caasimadda ayaa inta badan sameeya kulamo ay isku xog wareysanayaan, halka mararka qaar ay kormeeraan baraha ay ka howlgalaan ciidamada.
Recent Comments