Featured, Arrimaha Siyaasada
Askari Dilay Sadde Qof Oo Walaalo Ah Oo La Xukumay
Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa dil toogasho ah ku xukuntay askari ka tirsan Ciidamada Xoogga dalka kaasoo 17-kii bishii June 2018 ku dilay degmada Kaaraan saddex qof oo walaalo ah.
Askarigan oo lagu magacaabo Xaashi Cali Maxamuud ayaa loo heysto dilka Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo, dilkaas oo dhacay degmada Kaaraan gaar ahaan Gumarey, kasoo hor jeedka xarunta xirta xaaji Daa’uud Taariikhdu markay aheyd 17-ka bishii lixaad 2018 sida ay sheegtay Madaxkamada Darajada Koowaad.
Kuxigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in eedeysanaha uu nolosha dhaafiyay, isagoo miir qaba saddex walaalo ah oo aan midkoodna hubeysneyn, sidoo kale eedeysanaha uu ka baxay Afisyooni, ugana tagay marxuumiinta uu dilay duleedka degmada Kaaraan, halkaasoo uu ku dilay saddexda qof ee walaalaha ah.
Qareenka Eedeysanaha ayaa codsaday in ay bixiyaan magta Marxuumka maadaama eedeysanaha ay reer wadaag ahaayeen Marxuumiinta sida ay sheegeen.
Ugu dambeyn Garsoorayaasha ayaa go’aan ku gaaray in dil lagu xukumo Xaashi Cali Maxamuud oo ah qisaasta Marxuumiinta kala ah Xasan Axmed Abuukar, Xuseen Axmed Abuukar iyo Cabdullaahi Axmed Abuukar oo ahaa walaalo sida uu u sheegay dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, waxaana Go’aanka Maxkamadda ka furan rafcaan ku’eg Sodon cisha xukunka kadib.
Recent Comments