Newsletter subscribe
Archive

Sheekh Shaakir Oo Magacaabay Guddiga Farsamada Ee Doorashooyinka Galmudug

Posted: October 22, 2019 at 6:49 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa magacaabay Gudiga farsamada Doorashooyinka iyo xalinta Khilaafaadka Galmudug. Guddigan ayaa ka kooban 11 xubnood oo uu sheegay in ay ku saleysanyihiin heshiiskii horay u dhaxemaray Dowladda Federaalka ah iyo Maamulka Galmudug. Waxaa jira khilaaf u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo maamulka Galmudug oo la xiriira dhismaha […]

No Comments read more

Doorashooyinka Canada Iyo Guulo Lama Filaan Ah

Posted: October 22, 2019 at 6:47 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Dalka Canada Justin Trudeau ayaa ku guuleystay doorashadii shalay ka dhacday Dalkaas. Waxaa sidoo kale guuleystay Wasiirka socdaalka dalka Canada oo ah Soomaali,waxaana lagu magacaabaa Axmed Xuseen. Dib u doorashada Ra’isalwasaare Justin Trudeau ayaa ah mid dirqi ah,waxaana uu ku qasbanyahay in uu isbaheysi la sameysto axsaabta kale si uu u gaaro aqlabiyadda lagu […]

No Comments read more

Dowladda Federaalka oo Hay’adaha samafalka ku wargelisay in ay ka jawaabaan fatahaadaha

Posted: October 22, 2019 at 6:44 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay hay’adaha samafalka ee ka howlgala SOomaaliya ka dalbatay in ay si deg deg ah uga jawaabaan Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ka sameynayaan Gobollada Dalka. War- ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa lagu sheegay in dowladdu ay ka walaacsantahay sare u kaca biyaha wabiyada […]

No Comments read more

450 Kun Qof Oo Ka Barakacay B/weyne

Posted: October 22, 2019 at 6:43 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamul Goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegay in kumanaan dad ah oo degganaa Magaalada Beledweyne ay ka barakaceen Magaaladaas. Wasiirka Gargaarka Maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in Wabiga Shabeelle oo ka sarreeya Magaalada uu Fatahaad sameeyay taasina ay sababtay in afarta Xaafadood ee Magaalada ay barakacaan. Roobka Deyrta ayuu sheegay in 17kii Bishan October ay fatahaadda ka billaabatay […]

No Comments read more

Al-shabaab Oo Sheegtay Mas’uuliyadda Doonidii Ku Degtay Xeebta Marka

Posted: October 22, 2019 at 6:41 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegay in Doontii wadday Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Habeen hore ku qallibantay Xeebaha Magaalada Marka ay iyaga ka dambeeyeen. War ka soo baxay AL-shabaab ayaa lagu sheegay in Doonta ay la socdeen Ciidamada ay weerareen Ciidankooda islamarkaana ku dhufteen Qoriga Baasuukaha sidaasna ku degtay. Waxaa kale oo ay sheegeen in […]

No Comments read more

Madaxweyne Farmaajo Oo u Ambabaxay Russia

Posted: October 21, 2019 at 7:16 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa u ambabaxay Dalka Ruushka halkaas oo uu kaga qeybgelayo shir Caalami ah. Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha ayaa ka duulay Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaana ay u duuleen Magaalada Sochi ee dalka Ruushka. Magaaladaas ayaa waxaa 23ka Bishan ka furmaya shirka Ruushka iyo Afrika […]

No Comments read more

Ciidan Ka Tirsan DFS Oo Lagu La’ Yahay Xeebaha Marka

Posted: October 21, 2019 at 7:15 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan shan ka mid ah Ciidamada 14ka October ayaa lagu la’yahay Badweynta Hindiya kaddib markii doon ay la socdeen kula qallibantay xeebta degaanka Cadcaddeey ee Gobolka Shabeellaha hoose. Waxaa sidoo kale la soo badbaadiyay 12 Askari oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka 14ka October Cismaan Muuse. Ciidamadan ayaa la sheegayaa in ay doon […]

No Comments read more

Ganacsade Lagu Dilay Kismaayo

Posted: October 21, 2019 at 7:13 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamul Goboleedka Jubaland ayaa ka hadlay dil xalay Magaaladaas loogu geystay Ganacsade caan ka ahaa Magaalada Kismaayo. Koox Hubeysan ayaa Xaaji Siciid Ciise Cabdi waxaa ay ku dileen Magaalada Kismaayo gaar ahaanna xaafadda Calanleey. Kooxda dilka geysatay ayaa isaga baxsaday goobta ay dilka ka geysteen,waxaana Ganacsadaha oo weerarka ku dhaawacmay la dhigay Isbitaalka Magaalada Kismaayo […]

No Comments read more

Maamulka Mandheera oo dalbaday in lagu daro wadahadallada Kenya iyo Somaliya

Posted: October 21, 2019 at 7:12 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ismaamulka Gobolka Soomaalida ee ay Kenya maamusho ayaa dalbaday in lagu daro wadahadallada dowladaha Kenya iyo Soomaaliya u dhaxeeya. Cali Robo oo ah Guddoomiyaha Gobolkaas ayaa sheegay in ismaamulkiisa Mandheera ay deris la yihiin Soomaaliya islamarkaana waxbadan wadaagaan. Waxaa uu Cali Roobo sheegay in howsha diblomaasiyadeed ee labada dal ay tahay mid ay leedahay dowladda […]

No Comments read more

DFS Oo Eadda Qorshe Lagu Keenayo Ciidamo Turki Iyo Eritrea Ah

Posted: October 20, 2019 at 8:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wargeyska The East African ayaa daabacay warbixin ku saabsan qorshe ay waddo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku dooneyso in ay hesho Ciidankii beddeli lahaa kuwa AMISOM ee sanadka 2021 ka dalka ka baxaya. Wargeyska oo xiganaya ilo kala duwan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay hadda wadahal kula jirto dalalka Turkiga iyo […]

No Comments read more

Abiy Oo Xalinaya Tabashada Jabuuti

Posted: October 20, 2019 at 8:22 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Dalka Itoobiya Abiye Axmed ayaa ku sugan Magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti waxaana uu halkaas u tagay xallinta khilaaf u dhaxeeya dalalka ku jira urur Goboleedka IGAD. Khilaafkan ayaa ka dhashay kulan dhawaan ka dhacay Magaalada Adis ababa ee caasimadda Dalka Itoobiya. Kulankaas ayaa waxaa lagu go’aaminayay sida loo kala qaadanayo xilalka Guddoomiyaha […]

No Comments read more

Dhaliil Loo Jeediyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Posted: October 20, 2019 at 8:21 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Xildhibaan Cabdi Shire Ciyaar jecel oo ka mid ah Golaha shacabka ee Soomaaliya ayaa Guddoomiyaha Golaha shacabka ku eedeeyay in uu Baarlamaankii isaga jeebkiisa ku jiro. Kulankii shalay ee Golaha shacabka ayaa Xildhibaan Cabdi Shire oo hadal jeedinaya dhaliilay ajendaha kulanka isaga oo beddelka ajendaha dhaqanka ku saabsanaa soo jeediyay in laga hadlo arrinta Ciidanka […]

No Comments read more