Mareykanka oo diyaarado dagaal ka iibiyay Kenya
Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in dowladda Mareykanka ay ka iibsatay lix ka mid ah diyaaradaha dagaalka ee Helicopters-ka loo yaqaan. War ka soo baxay Wasaaaradda difaaca Kenya ayaa lagu sheegay in lixda Diyaaradood oo ah nooca choppers ay dhawaan tagayaan Kenya. Lynn Tilton, oo ah madaxa fulinta sharikadda sameysay diyaaradahaas ayaa sheegtay in sidoo kale […]
James Swan oo baaq u diray Dadka Soomaaliyeed
Wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qeybqaataan joojinta colaadaha iyo dhiirro gelinta Nabadda. Mr James Swan oo soo saaray War-xaafadeed ku saabsan Maalinta Nabadda Caalamka oo maanta ku beegan ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay […]
Canada oo siideysay muwaaddin Soomaali ah kuna qornaa dib u celin
Dowladda Canada ayaa ka laabatay dib u celinta Muwaaddin Soomaali ah oo qaxootinnimo ku galay Dalka Canada. Dib u celinta Cabdullahi Cilmi oo 34 jir ah ayaa ka dhalatay markii ay qabsatay hay’adda socdaalka iyo sohdimaha dalka Canada. Cabdullahi oo muddo lix bilood ah ku jiray Xabsi ku yaalla Edmanton ayaa waxaa joogi taankiisa gacan […]
Wasiir ku xigeenka xannaanada xoolaha oo ka hadlay sababta uu isu casilay
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Xannaanada xoolaha, dhirta iyo Daaqa C/Kariin Khaliif Dhalac ayaa waxaa uu sababeeyay is casilaaddii uu xalay ku dhawaaqay. Wasiirka ayaa sheegay in sababta ugu weyn ee uu isu casilay tahay faragelin uu sheegay in dowladda Federaalka ah ku heyso Maamulka uu ka soo jeedo ee Galmudug. C/Kariin Khaliif Dhalac ayaa sheegay […]
Miino laga saaray inta u dhaxeysa Beledweyne iyo Garoonka Ugaas Khaliif
Ciidamada dowladda Federsalka ah ee Soomaaliya ayaa waxaa ay Miino ka bixiyeen waddadada isku xirta Garoonka Ugaas Khaliif iyo Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Saraakiisha Booliska Dowladda ee ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ay sheegeen in Miinadaasi lagu aasay bartamaha Waddada isku xirta Beledweyne iyo Garoonka Ugaas Khaliif. Miinada ayaa waxaa hay’adaha amaanka ku […]
Howlgal ka dhacay gobolka Hiiraan
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixiyay howlgallo maalmihii la soo dhaafay ay ka fuliyeen Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe islamarkaana ku qab qabteen dad aad u farabadan Jenenaal Maxamed Maxamuud Tareedishe oo ah Taliyaha qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay in dad ka badan 20 qof ay hadda hayaan […]
Jubaland oo hanjabaad kale u dirtay Dowladda Federaalka ah
Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Jubaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ku eedeeyay in go’doomin sharci darro ah ay saartay Maamulka Jubaland. Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in xayiraadda dowladda Soomaaliya ay saartay Maamulka Jubaland ee dhinaca duullimaadka ah ay saameyn taban ku yeelatay dadka reer Jubaland. Waxaa uu sheegay in ay […]
Kenya oo quus ka taagan Gaadiidkii dagaalka ee ay ka iibsatay China
Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay quus ka taagantahay gaadiidka qaada Ciidamada ee ay horay uga iibsatay dalka China. Gaadiidkaas oo loo yaqaan APC, ayaa waxaa adeegsada Ciidamada Kenya ee ku sugan Gobolka Soomaalida waxaana loogu sheegay in aysan Karin Miinooyinka iyo qoriga RPG-ga oo ay inta badan adeegsadaan AL-shabaab. Hayeeshee waxaa su’aalaha hay’adaha amaanka […]
Maxay tahay sababta Taliyaha Sirdoonka Angola u yimid Muqdisho?
Magaalada Muqdisho waxaa shalay soo gaaray Taliyaha Hay’adda sirdoonka Dalka Angola José Luís Caetano Higino de Sousa. Safarka Taliyaha Sirdoonka Angola ayey dad badan isweydiinayaan waxa uu salka ku hayo hayeeshee dalka Angola waxaa galay raadka Qaraxii loo adeegsaday Laptopka ee lagu qarxiyay diyaaradda Daalo Airline February sanadkii 2016kii. Ninka Qaraxaas geystay oo magaciisa lagu […]
Madaxweyne Farmaajo oo Ahlu Sunna ku bogaadiyay dagaalkii ay la galeen Al-shabab
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu magaalada DHuusamareeb kulan kula qaatay hoggaanka ugu sarreeya Ururka Ahlu Sunna ee Magaaladaas maamulayay. Madaxweynaha ayaa madaxda Ahlu Sunna ee uu la kulmay ku bogaadiyay dadaalka iyo halganka ay u galeen in degaannada ay ka taliyaan ka celiyeen AL-shabaab. Waxaa kale oo uu […]
5 xisbsi oo Walaac kamuujiyey War-murtiyeedka kasoo baxay shirka dib u heshiinta Galmudug
Xibsiyada siyaasadda ee UPD, Wadajir, Ilays, Horu socod–Qaran & Xisbiga Nabadda ayaa welwel ka muujiyey habka uu u dhignaa War-murtiyeed kakooban 3 bog kaas oo 16-Sep-2019 kasoo baxay shirkhabka dib u heshiinta Galmudugm xisbiyada waxa ay si aad ah u saluugeen qodobada kujiray War-muriyeedkaas. Halkan ka aqri war-murtiyeedka xisbiyada Madaxweyne Farmaajo oo kaqaybgalay munaasabadda xiritaanka ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka ay saaran […]
Recent Comments