Newsletter subscribe
Archive

Mareykanka oo ka hadlay duqeyn uu ka geystay koofurta Somaliya

Posted: September 18, 2019 at 8:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in laba xubnood oo ka mid ah dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ku dileen duqeyn shalay ka dhacday Gobolka Jubada hoose. Warbixinta ka soo baxday dalka Mareykanka ayaa lagu sheegay in Mareykanka uu weerarkaas ka fuliyay waqooyiga galbeed ee Magaalada Kismaayo kaddib markii Al-shabaab ay weerareen Ciidamada dowladda Soomaaliya ka tirsan oo halkaas […]

No Comments read more

Kenya oo dayacday Askari ku waashay dagaalka Al-shabaab

Posted: September 17, 2019 at 8:17 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ehellada Askari 30 jir ah oo ka tirsanaa Ciidanka Difaaca Kenya islamarkaana ku waashay dagaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ay caddaalad dalbanayaan. Qoyska Askariga ayaa sheegay in Ciidanka Kenya saraakiisha ugu sarreysa ay dayaceen wiilkooda islamarkaana uu jidadka Nairobi bacaha ka ururiyo hadda. John Njoroge, oo 30 jir ah ayaa waxaa uu Shahaaddada A- ka […]

No Comments read more

Midowga Yurub oo ka hadlay Askartii Burundi looga dilay Shabeellaha dhexe

Posted: September 17, 2019 at 8:14 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka Midowga Yurub ayaa ka hadlay weerarkii Sabtigii ka dhacay degaanka Gololey ee duleedka Degmada Balcad halkaas oo lagu dilay in ka badan 10 Askari oo u dhashay Dalka Burundi. Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa sheegay in isaga oo ka wakiil ah Midowga Yurub uu ka tacsiyeynayo weerarkaas islamarkaana ka xunyahay waxa […]

No Comments read more

Hoggaamiyaha Daacish oo markii ugu horreysay ka hadlay qeybtiisa Soomaaliya

Posted: September 17, 2019 at 8:06 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ururka Daacish ayaa baahiyay cod maqal ah oo ay sheegeen in uu yahay Hoggaamiyaha Kooxdaas Abuubakar Al-Baqdaadi kaas oo wax badan khudbaddiisa uga hadlay dagaalka ay kula jiraan Mareykanka. Al-Baqdaadi ayaa sheegay in Ururkiisa Daacish uu sii xoogeysanayo islamarkaana Mareykanka ku jebinayaan fagaarayaasha Caalamka ee ay hadda isku hayaan. Waxaa uu ku faanay in goobaha […]

No Comments read more

Wejiga Labaad Ee Shirka Galmudug Oo Loo Gudbay

Posted: September 17, 2019 at 7:42 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay in uu soo dhamaaday wajiga 1aad ee shirka dib u heshiinta Beelaha Galmudug. Madaxweynaha oo shalay gelinkii dambe tagay Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa uu ku dhawaaqay xiritaanka shirkii beelaha Galmudug ee dhuusamareeb iyo in loo gudbay wajiga 2aad […]

No Comments read more

Burundi oo shaacisay Askartii looga dilay weerarkii Gololey

Posted: September 16, 2019 at 8:18 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Burundi ayaa xaqiijisay in 12 ka mid ah Ciidankeeda jooga Soomaaliya lagu dilay weerar ka dhacay inta u dhaxeysa Balcad iyo Jowhar sabtigii la soo dhaafay. Sarkaal ka tirsan Dowladda Burundi kuna sugan Magaalada Bujambura ee caasimadda Burundi ayaa qiray in 12 Askari ku dhinteen weerarka lix kalena ku dhaawacmeen. Mas’uulka oo la hadlay […]

No Comments read more

Midowga Yurub oo dib u bilaabaya Dhismaha wada isku xirta Gaalkacyo iyo Garowe

Posted: September 16, 2019 at 8:17 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamulka Puntland ayaa sheegay in Midowga Yurub uu dib u bilaabi doono dhismaha wadada isku xigta Garoowe iyo Gaalkacyo oo bishii September ee sannadkii 2018 la joojiyay kadib markii musuq maasuq lagu eedeeyay hay’adda waddooyinka Puntland ee PHA loo soo gaabiyo. Af-hayeenka xukuumadda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) oo ka warbixinayey kulan shalay dhexmaray madaxweynaha […]

No Comments read more

Maxkamadda sare ee Kenya oo go’aan ka soo saartay kiiska Badda ee kala dhaxeeya Somaliya

Posted: September 16, 2019 at 8:15 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa kooxda sharci yaqaannada ah ee dooneysa in Kenya ay ka baxdo kiiska Badda ay gal dacwadeedkooda qabaneyso Bisha soo socota. Go’aan ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa lagu sheegay in 7da Bisha October ee soo socota ay tahay maalinta kooxdaasi ku doodeysa in Kenya aysan kiiska […]

No Comments read more

Kuwait oo mamnuucday ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya

Posted: September 16, 2019 at 8:13 am   /   Uncategorized

Dowladda Kuwait ayaa joojisay ka ganacsiga Dhuxusha Soomaaliya,waxaana ay ku sababeeysay in lagu maalgaliyo waxaa ay ku sheegtay argagixisada. Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dalka Kuwait ayaa waxaa ay sheegtay in si toos ah iyo si dadban ay kooxaha argagixisada ah dhaqaale uga helaan dhuxusha laga dhoofiyo Soomaaliya. Wasaaradda War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay in ay heshay nuqul […]

No Comments read more

Maleeshiyaad Ku Dagaallamay Balanbal Oo La Kala Qaaday

Posted: September 15, 2019 at 8:50 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada Xoogga dalka gaarahaan qaybta 21 aad ayaa ku guulaystay qaboojiyay xiisad colaadeed oo ka taagneed degaanno hoos taga Degmada Balanballe ee Gobolka Galgaduud. Ciidamadan oo isgu jira CXD qeybta 21-aad iyo NISA ayaa gaaray degaannada Oodaale iyo Xersi Lugeey, iyagoo kala dhex galay Labad Beelood ee ay halkaasi xurfufta ku dhex martay. Taliyaha guutada […]

No Comments read more

Taliye Sheegay Inuu Is Casilayo Haddii…

Posted: September 15, 2019 at 8:46 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha Guutada 5aad ee Qeybta 27aad ee xoogga dalka ayaa ku dhawaaqay in uu is casilayo haddii Odayaasha Hiiraan ay ku adkeystaan diidmada in ciidamo dowladda ku tababaray Baladweyne la diido in la qarameeyo. Faarax Cali Waasuge (Faarax Kooshin), ayaa sheegay in Ciidamadaas muddo sanad ah ku tababaranayeen xerada lamagalaay ee Magaalaad Baladweyne dowladdana u […]

No Comments read more

Dacwad Lagu Soo Oogay Safaaradda Soomaaliya Ee Kenya

Posted: September 15, 2019 at 8:44 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Sharikad qaabilsan dhismaha oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa dacwad ku soo oogtay safaaradda Soomaaliya ee Kenya. Sharikadda ayaa sheeganeysa in lacag ka badan $200,000  oo doollarka Mareykanka ah ku leedahay safaaradda kaddib markii ay dayactir ku sameysay. Doodda ayaa ka dhalatay kaddib markii mid ka mid ah shaqaalaha sharikaddaas uu safaaradda tagay isaga oo […]

No Comments read more