Newsletter subscribe
Archive

Al-shabaab: Waxaan Dilnay Askar AMISOM Ah

Posted: September 15, 2019 at 8:41 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegatay in afar iyo toban ka mid ah Ciidanka Burundi ee AMISOM ku dileen dagaal ka dhacay duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe. Sheegashada Al-shabaab ayaa daba socota dagaal shalay gelinkii hore ka dhacay Tuulada Gololey ee 10km u jirta degmada Balcad. Waxaa ay sheegeen in 12 ka mid ah Meydadka […]

No Comments read more

Al-shabaab oo sheegatay dilal ka dhacay Baladxaawo

Posted: September 14, 2019 at 8:20 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab ayaa sheegtay in saddex qof oo ka mid ahaa maamulka Jubaland ay ku dileen degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo. Al-shabaab ayaa sheegtay in dhamaan saddexda qof ee xalay lagu dilay Baladxaawo ay ka tirsanaayeen Maamulka Jubaland. Dadka ay dileen AL-shabaab waxaa ay ku kala sheegeen Xuseen Shariif oo ka mid ahaa guddoomiyayaasha […]

No Comments read more

Qarax Lagu Dilay Mas’uuliyiin Hirshabelle Ah

Posted: September 14, 2019 at 8:10 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan 5 Qof ayaa ku geeriyootay halka tiro kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii saaka uu qarax miino ku qabsaday inta u dhaxeysa Balad iyo Jowhar. Dadka dhintay ayaa waxaa ay kala yihiin Wasiirkii hore ee Ganacsiga Hirshabeelle Sabriye Cismaan, Cabdullahi Shitaawe oo ahaa Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda Gobolka Shabeellaha dhexe ee hadda iyo […]

No Comments read more

Ciidamo Ku Dagaallamay Dhuusamareeb

Posted: September 14, 2019 at 8:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imaanaya Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in saaka uu ka dhacay iska horimaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo Fariisin kulahaa xero ku taal duleedka Dhuusamareeb. Inta la Xaqiijiyay hal Askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga dalka gaarahaan kuwa looyaqaan Danab ayaa ku dhaawacmay iska horimaadka […]

No Comments read more

Jubbaland Oo Ka Hadashay Weerarkii Garyaqaan Qalyare

Posted: September 14, 2019 at 8:07 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maamulka Jubbaland ayaa Alshabaab ku eedeysay in ay ka dambeyso weerarka bukaate Axmed Jaamac Maxamuud guddoomiyaha golaha la baxay badbaadada Jubaland Koox hubeysan ayaa xalay fiidkii  weerar  kuqaadday Abukaate Axmed Jaamac Maxamuud guddoomiyaha golaha la baxay badbaadada Jubaland, Axmed Jaamac ayaa ladhigay isbitaalka Kismaayo kaddib dhaawac culus oo kasoo gaaray weerarkaas. Maamulka Jubaland ayaa  eedda […]

No Comments read more

Kenya oo ku dhawaaqday in ay kiiska badda wadahadal kula dhameyneyso Soomaaliya

Posted: September 14, 2019 at 8:04 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ay wadahadal kula dhameyneyso Soomaaliya muranka dhinaca Badda ah ee ay Kenya ku dooneyso qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya. Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma ayaa shalay magaalada Nairobi uga dhawaaqday in ay rajo weyn ka qabaan in muranka labada dal u dhaxeeya lagu dhameeyo meel aan ahayn Maxkamadda […]

No Comments read more

Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday rag loo heysto qarax sanadkii hore ka dhacay Wadajir

Posted: September 12, 2019 at 9:04 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta xukun dil iyo xabsi daa’in isugu jira ku ridday rag loo heysto weerarkii November 2018kii ka dhacay Isgoyska Kaawo Godeey ee Degmada Wadajir. Raggan oo Maxkamadda ay kiiskooda dhegeysatay 5tii Bishan ayaa waxaa maanta lagu xukumay dil, halka mid ka mid ah lagu xukumay xabsi daa’in kan […]

No Comments read more

Waa imisa Askarta AMISOM looga dilay Somaliya tan iyo 2007dii?

Posted: September 12, 2019 at 8:59 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Bare sare Paul Williams oo wax ka dhiga Jaamacad ku taalla Mareykanka ayaa warbixin ka diyaariyay khasaaraha Ciidamada AMISOM ka soo gaaray Soomaaliya tan iyo markii uu howlgalka billowday. Warbixinta Paul Williams, waxaa uu ku sheegay in meelo badan oo uu wax ka qiimeeyay, ilo ilaa shan gaaraya oo uu xigasho ka sameeyay iyo dukumiintiyada […]

No Comments read more

Dad ku dhintay qarax ka dhacay Diinsoor

Posted: September 12, 2019 at 8:57 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ugu yaraan shan qof oo ay ka midyihiin dad rayid ah ayaa ku dhintay markii qarax ka dhacay degmada Diinsoor ee Gobolka Baay. Qaraxa ayaa la sheegayaa in lala beegsaday Guddoomiyaha degmada Diinsoor Ibraahim Shigshigoow kaas oo la xaqiijiyay in uu ka badbaaday. Weerarkaas qaraxa ah ayaa waxaa ku dhintay labo qof oo rayid ah […]

No Comments read more

Cumar Finish oo magacaabay Guddiga dib u furidda waddooyinka Muqdisho

Posted: September 12, 2019 at 8:54 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamed Maxmuud Finish ayaa waxaa uu magacaabay Guddi loo xil saaray dib u furidda Waddooyinka  xiran ee Magaalada Muqdisho. Guddiga dib u furidda Waddooyinka Muqdisho ee uu magacaabay Cumar Finish ayaa waxaa uu ka koobanyahay 7 xubnood waxaana Guddoomiye ka ah ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka. […]

No Comments read more

Al-shabaab oo Ergooyin ku soo bandhigay Xarradheere

Posted: September 11, 2019 at 7:00 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug waxaa ay ku soo bandhigeen qaar ka mid ah Ergooyinkii wax ka soo xulay Baarlamaanka Soomaaliya. Al-shabaab ayaa sheegtay in 90 ka mid ah Ergooyinkii soo xulay Xildhibaannada Soomaaliya lagu soo bandhigay Magaaladaas. Waxaa ay ka mid noqonayaan Boqolaal Ergooyin ah oo ku sugan degaannada ay […]

No Comments read more

Askar Kenyaan ah oo ku dhintay weerar ka dhacay duleedka Mandheera

Posted: September 11, 2019 at 7:00 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Askar ka mid ah Ciidanka Difaaca Kenya ayaa ku dhintay weerar ka dhacay degaanka lagu magacaabo CeelRaam ee duleedka Mandheera. Dhaq dhaqaaqa Al-shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarka shalay dhacay ayaa waxaa ay sheegeen in ay dileen 9 ka mid ah Ciidanka Kenya. Sidoo kale Al-shabaab waxaa ay sheegeen in afar ka mid ah Gaadiidka dagaalka […]

No Comments read more