Doorasho Maanta Ka Dhacaysa Kismaayo
Guddiga doorashada Maamulka Jubaland ayaa ku dhawaaqay in maanta ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen ee maamulkaas. Wxaa ay horay u soo bandhigeen jaantuska doorashada ee Guddoomiyaha Baarlamaanka, ku xigeennadiisa iyo Madaxweynaha. Hayeeshee xalay ayey goor dambe dib u dhigeen doorashada madaxweynaha iyaga oo ku daray muddo saddex maalmood oo muddo kordhin […]
Qalbi Dhagax Oo Fariin u Diray Shacabka Jubbaland
Cabdikariin Sh.Muuse Qalbi Dhagax oo katirsan Jabhadda ONLF oo ku sugan Magaalada Kismaayo waxa uu kulamo la qaatay Mas’uuliyiin isugu jirtay Xildhibaanno, Senataro, mas’uuliyiin katirsan Maamulka Jubbaland, Madax dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada. Qalbi dhagax oo la hadlayay dadkaas waxa uu ka dalbaday in aysan Saameyn taban ku yeelan deegaanada Jubbaland Xaaladaha siyaasadeed […]
Nin Ganacsade Ku Dilay Qardho Oo Laga Soo Qabtay Yemen
Danjiraha dowladda Soomaaliya ee dalka Yemen, Cabdullaahi Xaashi Shuuriye ayaa magaalada Boosaaso xalay ka dejiyay nin horay u dilay Ganacsade ku sugnaa Magaalada Qardho. Ganacsadaha la dilay ayaa lagu magacaabayay Dirir Cabdi Gufuri waxaana 20 july 2019 dilay Maxamed Cabdullahi kaas oo u baxsaday dalka Yemen. Safiirka Soomaaliya ee Yemen ayaa waxaa uu eedeysanaha ku […]
Qoyska Kenyan Lagu Dilay Boosaaso Oo Dalbaday Cadaalad
Qoyska Muwaaddin u dhashay Dalka Kenya ayaa doonaya in ay caddaalad helaan kaddib markii wiilkooda dhawaan lagu dilay Magaalada Boosaaso. Muwaddinka Kenyaanka ah ee lagu dilay Magaalada Boosaaso ayaa lagu magacaabayay Cosmas Joseph Owuor,waxaana uu ka shaqeynayay Hotel ku yaalla Boosaaso. Aabaha Muwaaddinka Kenyaanka ah oo isna lagu magacaabo Pius Ogweyo, ayaa sheegay in uu […]
James Swan oo Axmed Madoobe ku qancin waayay wax ka beddel lagu sameeyo doorashada
Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya James Swan ayaa ku fashilmay in Axmed Madoobe uu ku qanciyo in wax ka beddel lagu sameeyo doorashada Jubaland islamarkaana fursad la siiyo musharrixiinta Mucaaridka ah. James ayaa booqasho uu ku tagay Magaalada Kismaayo waxaa uu maanta kula kulmay Madaxweynaha Jubaland, labadiisa ku xigeen iyo wasiirrada arrimaha gudaha iyo amaanka […]
Ra’iisul Wasaare Kheyre Oo Booqday Askartii Ku Dhaawacantay Awdheegle
Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa waxaa uu booqasho ugu tagay askartii ku dhaawacntay dagaalkii shalay ka dhacay Degmada Awdheegle ee Gobolka Shabellaha hoose. Xasan Cali Kheyre ayaa mid mid ugu tagay askarta dhaawacyada ka soo gaareen dagaalkii shalay,waxaana uu la wadaagay dareenkiisa. Waxaa uu sidoo kale la kulmay maamulka Isbitaalka ay Askartaasi ku […]
War-murtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Isgaarsiinta Ee Baydhabo
Waxaa Magaalada Baydhaba ku soo gaba-gaboobey Kulanka Wadatashiga Ka faa’ideystayaasha Mashruuca Taakulaynta Isgaarsiinta kaa soo ka socday magaalada Baydhabo intii u dhexeysay 13ka illaa 15ka Agoosto 2019ka. Shirkan oo ay soo qaban-qaabisay Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada (WBIT) ee Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa si rasmi ah u furey Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed […]
Xubno Al-shabaab Ah Oo Lagu Dilay Hiiraan
Kooxda Macaawisley ee la dagaallanta Al-shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in ay dagaal ku qaadeen Al-shabab ku sugnaa degaanka lagu magacaabo Luuqa Jeelow ee Gobolka Hiiraan ka titsan. Dekaankan oo ku dhawaad 20km dhinaca koofureed kaga beegan Beledweyne ayey sheegeen in ay xalay weerareen islamarkaana halkaas ku dileen xubno ka mid ah Al-shabaab. Sarkaal ka […]
Dhallinyaro Soomaali ah oo lagu la’yahay Koofur Afrika
Saddex wiil oo Soomaali ah ayaa lagu la’yahay degaanka Soweto ee dalka Koofur Afrika kuwaas oo markii dad ugu war dambeysay la dagaallamayay koox burcad Koofur Afrikaan ah. Degaanka Soweto ayaa waxaa shalay gelinkii dambe ka billowday boob ay geysanayeen Burcad koofur Afrikaan ah. Boobka ayaa shalay ka billowday markii Ganacsade Itoobiyaan ah iyo qof […]
Ehlada Kallumeysato Lagu Haysto Somalia Oo Fariin u Diray DFS
Eheladda qeybta labaad kalluumeysato u dhashay Dalka Thailand islamarkaana ka shaqeeya Xeebaha Soomaaliya ayaa codsaday in dowladda Thailand fududeyso sidii loo siideyn lahaa wiilashooda. Dadka Kalluumeysatada ehelkooda ah ayaa sheegay in 20 qof ay ka shaqeeyaan Doon lagu magacaabo Waddani 2 oo lala leeyahay tii todobaadkii hore fasaxday 18 qof oo u dhashay Thailand. 20ka […]
Ergada ka Qeybgaleysa Shirka u Heshiinta Galmudug oo Dhuusamareeb Ku Wajahan
Guddiga dib u heshiinta Galmudug ayaa wado abaabul lagu soo dhaweynayo wufuud u badan Madax dhaqameed oo ku wajahan Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug. Xubnaha Guddiga oo shalay soo saaray habraaca shirka dib u heshiinta oo shan qodob ka kooban waxaa kamid ahaa, in maanta oo ay ku beegan tahay 14-ka August Ergooyinka […]
Wasiir Cawad oo ka hadlay Sawirkii uu Muuse Biixi kula galay Makkah
Wasiirka arrimaha dibadda Xukuumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay sawir wadajir ahaa oo ay Habeen hore wada galeen Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in kulankii Muuse Biixi, wasiirradiisa iyo Wasiirrada dowladda Federaalka ah ku dhexmaray Magaalada Maka ee dalka Sucuudiga aan looga hadlin […]
Recent Comments