Newsletter subscribe
Archive

Ganacsade Caan Ah Oo Lagu Dilay Baydhabo

Posted: August 10, 2019 at 6:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed C/Casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen ayaa sheegay in maamulka uu ku daba jiro dadkii ka dambeeyay dilkii Ganacsade Cali Marguus ee shalay ka dhacay duleedka Baydhaba. Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciidamada dowladda ay ku laabtaan furumaha kaddib markii shalay ka soo baxeen aagagga hore iyaga oo qaarkood lagu eedeeyay in […]

No Comments read more

DFS Oo La Xisaabtameysa Shirkado Dayacay Xujeyda Soomaaliyeed

Posted: August 10, 2019 at 6:16 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay tallaabo ka qaadeyso  afar sharikadood oo ku xadgudbay xujeydii Soomaalida ee ay sanadkan qaadeen. Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Cismaan Aadan Dhuuboow, ayaa sheegay in Sharikadahaasi ay dayaceen xujeyda islamarkaana uga tageen meelo aan ku habbooneyn. Waxaa uu xusay in sidoo kale Gaadiidka Basaska ee xujeyda […]

No Comments read more

Madaxweynihii Hore Ee Soomaalida Itoobiya Oo Kala Diray Qareennadiisa

Posted: August 10, 2019 at 6:11 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Cabdi Maxamuud Cumar ayaa ku dhawaaqay in uusan ku kalsooneyn maxkamadda darajada 4aad ee dambiyada ee dalka Itoobiya islamarkaana ay ka buuxaan wax is daba marin xagga garsoorka ah. Cabdi ayaa ku dhawaaqay in uu kala diray kooxdii u doodeysay ee qareennada ahayd kaddib markii uu sheegay in Maxkamadda […]

No Comments read more

Puntland Oo Joojisay Bixinta Kaararka Aqoosiga Ee Nabadoonada

Posted: August 10, 2019 at 6:09 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay bixinta warqadaha la siiyo nabaddoonnada degaannada Maamulka Puntland. Wareegto ka soo baxday Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in la joojiyay bixinta waraaqahaas ilaa amar dambe. Wareegtada ayaa Guddoomiyayaasha Degmooyinka iyo Gobollada Puntland joojiyaan bixinta waraaqahaasi ilaa amar dambe. Wasaaraddu […]

No Comments read more

Booliska Baardheere oo sheegay in ay toogteen Haweeney is qarxin rabtay

Posted: August 8, 2019 at 8:54 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar Ismiidaamin ah oo ay fulin lahayd qof Haweeney ah. Saraakiisha amaanka ayaa sheegay in Haweeneyda oo ka baxday Baydhaba ay Bam Gacmeed ku tuurtay Ciidanka ilaalada Saldhigga halkaasna ku dhaawacmeen labo Askari. Sidoo kale Ciidamada ayaa rasaas ku furay Haweeneyda waxaana ay […]

No Comments read more

Interpol oo ku biirtay baaritaanka dhaqaatiirta Cuba

Posted: August 8, 2019 at 8:53 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Kenya ayaa sheegtay Booliska Adduunka ee Interpol ay ku biireen baaritaanka caalamiga ah ee lagu doonayo in lagu soo badbaadiyo laba Dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba iyo Gabar u dhalatay Dalka Talyaaniga. Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa sheegay in baaritaannada ay wadaan ay ka mid tahay in kooxda wax afduubtay ka soo gudbeen Sohdinta […]

No Comments read more

DFS Oo Fasaxday Shaqaalaha Soomaaliyeed

Posted: August 8, 2019 at 8:50 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

owladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa fasax saddex cisho ah siisay dhamaan shaqaalaha Jamhuuriyadda Soomaaliya. Warqad ka soo baxday Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu fasaxay shaqaalaha dowladda iyo kuwa gaarka ah. Shaqaalaha ayaa waxaa la fasaxay maalmaha Sabtiga, Axadda iyo Isniinta ee todobaadka dambe.

No Comments read more

Taliyaha AFRICOM Oo La Kulmay Ra’iisul Wasaare Kheyre

Posted: August 8, 2019 at 8:48 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha cusub ee Ciidanka Mareykanka ee Afrika Jeneraal Stephen Townsend, ayaa shalay soo gaaray Magaalada Muqdisho,waxaana uu la kulmay madaxda dowladda Soomaaliya iyo Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto. War saxaafadeed ka soo baxay AFRICOM ayey ku sheegeen in booqashada Taliyaha cusub ee Soomaaliya ay la xiriirto dardar gelinta howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhaqaalaha […]

No Comments read more

Baarlamaanka Kenya oo xukuumadda ku amray in ciidan geyso biyaha Soomaaliya

Posted: August 7, 2019 at 11:26 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada, Warbiximaha Gaarka Ah

Baarlamaanka Dalka Kenya ayaa ansixiyay daabulidda Ciidanka Difaaca Kenya ee KDF oo la geynayo biyaha Soomaaliya ee ay Kenya sheeganeyso. Hoggaamiyaha Aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa ku saxiixan qoraalka Baarlamaanka Kenya uu ku ogolaaday in Ciidanka Kenya la geeyo biyaha Soomaaliya. Kenya waxaa ay sheegtay in kiiska badda ee hadda yaalla ICJ uu […]

No Comments read more

Dil Ka Dhacay Suuqa Bakaaraha

Posted: August 7, 2019 at 11:24 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Rag ku hubeysnaa Bustoolado ayaa la sheegay in goordhow Gudaha Suuqa weyn ee bakaaraha ee Magalada Muqdisho ku dileen Wiil dhalinyaro ah, iyaga oo dilka kadib gooobta ka baxsaday. Dad ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa sheegay in dilka uu ka dhacay suuqa Cabdalla Shisheeye ee Bakaaraha,isla markaana rag ku hubeysnaa Bastoolado ay toogteen Ninka xili […]

No Comments read more

Ciidanka DFS Oo Al-shabaab Kala Wareegay Deegaanno Cusub

Posted: August 7, 2019 at 11:21 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidamada Xoogga dalka gaar ahaan kuwa sida gaarka u tababaran ee DANAB ayaa dhaq dhaqaaqyo Ciidan & howlgallo ka dhan ah  Al-Shabaab waxa ay ka wadaan tuulooyin hoos yimaada degmada Aw-dheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose . Ciidamo ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya ayaa saaka gudaha u galay deegaanka Malable ee hoostaga degmada Aw-dheegle ee gobolkaasi,halkaas oo […]

No Comments read more

Somaliland oo xarig ugu hanjabtay Taliyaha Ciidankeeda ee Gobolka Sool

Posted: August 7, 2019 at 5:52 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Taliyaha Ciidanka Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani ayaa amar ku bixiyay in la xiro Taliyaha Guutada 31aad ee Ciidanka Somaliland. Taani ayaa amray in Magaalada Hargeysa lagu xiro Ismaaciil Faraax Cawaale (Doolaal) oo ah Taliyaha Ciidanka Somaliland ee Gobolka Sool. Taliye Taani ayaa waxaa uu sidoo kale xilka qaadis ugu hanjabay Taliye Doolaal, iyada oo […]

No Comments read more