Ahlu Sunno oo dacwad ka gudbineysa dowladda Soomaaliya
Ururka Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ku dhawaaqay in ay dacwad kale ka gudbinayaan dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku eedeeyeen in ay xadgudub ka waddo degaannada Galmudug. Kulan hoggaanka Ahu Sunna ay xalay ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ayey kaga arrinsadeen waxa ay ka yeelayaan dhismaha dowlad Goboleedka Galmudug ee ay dowladda Federaalka ah […]
Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay Ugaarsato ajaanib ah
Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga u taxaabay sagaal nin oo ugaarsato ah kuwaas oo lagu eedeeyay in ay s sharci darro ah u ugaarsanayeen duur joogta Somaliland. Raggan oo u dhashay Waddanka Imaaraadka Carabta ayaa waxaa lagu qabtay Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa iyaga oo isku dayay in ay halkaas ka dhoofaan dibna ugu […]
Dagaal Ka Dhacay Muqdisho
Dagaal u dhaxeeyey ciidanka Booliiska DFS iyo rag hubeysan oo burcad ah ayaa xalay ka dhacay xaafadda Gubta, degmada Dayniile ee Muqdisho. Dagaalkan ayaa yimid kadib markii ciidanka Booliiska lagu soo wargeliyey in burcad ay dhac u geysanayaan dad rayid ah, taasina waxay keentay in ciidanka ku baxo. Waxay Booliiska kala kulmeen burcadda rasaas culus, […]
Kenya Oo Ciidan Badan Keentay Gobolka Gedo
Dowladda Kenya ayaa lagu soo waramayaa iney ciidan Badan keentay Xadka ay la wadaagto Soomaaliya, gaar ahaan dhanka gobolka Gedo. Dad ku sugan degmada Ceelwaaq ayaa inoo sheegay in ciidanka Kenya yihiin kuwo aad u hubeysan, islamarkaana wata gaadiidka dagaalka. Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa inoo sheegay in ciidankan ay halkaasi u yimaadeen sidii ay […]
Saldhigga Ciidanka Badda Itoobiya Oo La Shaaciyey Halka Uu Noqon Doono
Dowladda Itoobiya ayaa ku jirta diyaar garowgii ugu dambeeyay ee dhismaha Ciidamada Badda dalkaasi. Qorshahan ayaa waxaa ka dhashay hadal heyn badan maaddaama Itoobiya aysan Bad lahayn,waxa ay qabanayaan Ciidamadaas iyo waliba halka saldhiggooda noqon karto. Wargeyska The East African ee ka soo baxa Dalka Kenya ayaa wareysi la yeeshay danjiraha Itoobiya ee Nairobi Males […]
Soomaaliya Oo La Sheegay Inuu Yahay Dalka Ugu Musuqa Badan Caalamka
Hay’adda Transparency International ayaa mar kale soo saartay warbixin sanadeedkeeda ku saabsan musuqa iyo sida ay dowladaha Caalamka horumar uga sameynayaan la dagaallanka musuqmaasuqa. Warbixinta hay’adda ayaa waxaa loo kala qeybiyay waddamada guusha ka gaaray la dagaallanka musuqa, kuwa musuq la’aanta ah, kuwa ay tahay in isha lagu hayo iyo kuwa musuqoodu cadyahay oo aan […]
Maxkamadda Ciidanka oo xukun ku ridday raggii loo heystay weerarkii Guriceel
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada qalabka sida ayaa xukun ku ridday laba Nin oo loo heysto in ay xubno ka yihiin Al-shabaab. Labada Nin oo Maxkamadda ay kiiskooda shalay dhegeysatay ayaa waxaa lagu xukumay Xabsi daa’in,waxaana lagu eedeeyay in ay galeen Dambiga lagu eedeeyay. Maxamuud Cabdi C/Raxmaan iyo Cali Dhubbad Nuurre Siyaad ayaa waxaa ay […]
Baarlamaanka Somaliland oo mudadii loo kordhiyey
Golaha Guurtiga Somaliland ayaa waxaa ay muddo kordhin u sameeyeen Golaha Wakiillada maamulkaas. Golaha Guurtida ayaa kulan ay ku yeesheen Xaruntooda Hargeysa waxaa ay muddo 2 Sano oo kororsi ah siiyeen Golaha wakiillada ee Somaliland. 71 Mudane oo ka mid ah Golaha Guurtida ayaa 70 ka mid ah u codeeyeen in laba Sano loo kordhiyo […]
Turkiga oo sheegay in 250 Tan uu ka qeybiyay gudaha Soomaaliya
Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in tan iyo billowgii Fatahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle uu dalka ka qeybiyay 250 Tan oo gargaar ah sida lagu sheegay warbixin dowladdu u qeybisay Warbaahinta Turkiga. Hay’adaha gargaarka Turkiga ee kala ah (AFAD), Bisha cas ee Turkiga iyo Diyanet, ayaa sheegay in ay qeybiyeen 250 tan oo samafal ah una […]
Qoyska Almaas Elman oo codsaday in baarista lagu daro dowladda Canada
Qoyska Almaas Elman oo Arbacadii lagu dilay xerada xalane ee Magaalada Muqdisho ayaa soo jeediyay in baarista ku socota dilka Gabadhooda lagu daro dowladda Canada. Qoyska ayaa war saxaafadeed ay soo saareen waxaa ay ku sheegeen in la joojiyo wararka badan ee lagu baahinayo Warbaahinta Bulshada iyo kuwa aan la hubin ee laga qorayo geerida […]
Waraabe “Muuse Wuu Madax Adagyahay”
Guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa rajo xumo ka muujiyay in guul laga gaaro khilaafka ka dhashay Guddiga doorashooyinka ee u dhaxeeya Xisbiga Waddani iyo Xukuumadda Kulmiye. Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa maanta ayaa sheegay in Guddigoodii isu xilqaamay in xaaladda la dajiyo ay ka quusteen Muuse […]
Booliska Garowe oo soo bandhigay waxyaabo maanka dooriya
Booliska Magaalada Garowe ee Xarunta dowlad Goboleedka Puntland ayaa gacanta ku dhigay Maandooriye Qamri u badan iyo agabka dagaalka. Booliska Gobolka Nugaal ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen xaafadaha kala duwan Garowe ay ku soo qab qabteen DHalliyaro, waxyaabaha Maanka Dooriya, Middiiyo iyo Biro kale. Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in dhallinyarada ay yihiin kuwa […]
Recent Comments