Dad Lagu Laayay Maraykanka
Ugu yaraan labaatan qof ayaa dhimatay 26 kalena weey dhaawacmeen kaddib markii nin caddaan ah oo hubeysan uu rasaas ku asqeeyay dadweyne dukaameysananay oo ku sugnaa magaalada El Paso ee gobolka Texas ee dalka Maraykanka. Ninkan ayaa weerarka ku qaaday mid ka mid ah dukaamada sida aadka ah ay dadku wax uga iibsadaan ee ay […]
Murxuum Yariisow oo laga soo dejiyay Muqdisho
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa waxaa saaka laga soo dejiyay Magaalada Muqdisho. Madaxda ugu sarreysa dowladda Federaalka ah ayaa ka qeybgelaya aaska loo sameynayo Injineer Yariisow,waxaana ka mid ah Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’isalwasaaraha, qaar ka mid ah madaxda Maamul Goboleedyada dalka. Diyaaradda sidday Maydka Injineer Yariisow ayaa waxaa kale oo la […]
Al-shabaab Oo Laga Saaray Deegaanno Ka Mid Ah K/galbeed
Saraakiisha Amaanka Ciidamada dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay qabsadeen degaanno ka mid ah Gobolka Baay oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab. Taliyaha Booliska Maamulka Koofur Galbeed Mahad C/raxmaan Aadan ayaa sheegay in howlgallo ay ka sameeyeen degaanno hoostaga Magaalada Baydhaba ay ciidamada dib u qabsadeen markii ay howlgal ka fuliyeen halkaas. Taliye […]
Puntland: 48 Maxaabiis Burcad-badeed Ah Ayaa Xaq Darro Ku Xiran
Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay 86 Oday dhaqameed oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen kuwii soo doortay Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo ay sheegeen in ay ka kala tageen Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay tageen degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Al-shabaab […]
Al-shabaab Oo Soo Bandhigay Odoyaal Iska Diiwaangeliyey Hirshabelle Iyo Galmudug
Dhaq Dhaqaaqa Al-shabaab ayaa soo bandhigay 86 Oday dhaqameed oo ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen kuwii soo doortay Xildhibaannada ku jira Baarlamaanka Soomaaliya. Odayaashan oo ay sheegeen in ay ka kala tageen Hirshabeelle iyo Galmudug ayaa waxaa ay tageen degaanka Buq Aqable ee Gobolka Hiiraan halkaas oo ay gacanta ku hayaan Al-shabaab. Al-shabaab […]
Seychelles Oo Eedeysay Somaliland
Dowladda Seychelles ayaa Maamulka Somaliland ku eedeysay in ay ka baxday kuna xadgudubtay heshiiskii Burcad Badeedda ee Caalamiga ah ee ay horay u kala saxiixdeen waddamada ku jira dagaalka ka dhanka ah Burcad Badeedda Sooomaalida. War ka soo baxay dowladda Seychelles ayaa lagu sheegay in siideynta 19 Burcad Badeed Soomaali ah oo ay siideysay Somaliland […]
Pelosi iyo Ilhaan Cumar oo booqday Ghana
Guddoomiyaha Golaha aqalka hoose ee Mareykanka Nancy Pelosi, Ilhaan Cumar iyo wafddi la socday ayaa booqasho ku tagay Dalka Ghana ee galbeedka Qaaradda Afrika. Booqashada Pelosi, Ilhaan iyo 13 xubnood oo ku jira Aqalka hoose ee Mareykanka kana soo jeeda Qaaradda Afrika ayaa booqashadooda Ghana waxaa ay ku saleysneyd xuska sanadguuradii 400aad ee ka soo […]
Kheyre Oo Guddoomiyey Shirka Amniga Dhuusa-mareeb
Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug waxaa xalay ka dhacay kulan looga hadlyay Amniga Magaaladaas iyo qorshaha ay iskula falgali karaan ciidamada isku dhafka ah ee lagu wareejiyay. Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo shir gudoomiyay kulanka waxa uu sheegay in mas’uuliyadda sugidda Amniga Galmudug ay saaran tahay guud ahaan shacabka iyo Ciidamada ku […]
Injineer Yariisow Oo Manta Lagu Aasayo Muqdisho
Ciidamada amaanka dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray inta badan Waddooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho. Arrintan ayaa la xiriirta aaska Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahna Duqii Magaalada Muqdisho, C/Raxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo Khamiistii ku geeriyooday Dalka Qadar. Ciidamada ayaa Gaadiidka kala duwan ka celinaya Waddooyinka waxaana inta badan dadku ay yihiin kuwa goobaha shaqada […]
Injineer Yariisow Oo Geeriyooday
Wararka ka imanaya Magaalada Dooxa ee Dalka Qadar ayaa sheegaya in halkaas uu ku geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Banaadir ahaana Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow. C/raxmaan Yariisow ayaa ka mid ahaa tiro dad ah oo si xun ugu dhaawacmay weerarkii Arbacadii todobaadkii hore lagu qaaday xarunta dowladda hoose ee Muqdisho. Waxaa uu noqonayaa qofkii 10aad […]
Madaxweyne Farmaajo Oo Iska Celiyey Jinsayadii Uu Ka Haystay Maraykanka
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa iska celiyay dhashadiisii 2aad ee Mareykanka. War ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya laguna faah faahinayay arrintan ayaa u qornaa; Maanta oo ay taariikhdu tahay 1-da Ogoosto, 2019, waxaan si rasmi ah idiinla wadaageynaa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed uu celiyay jinsiyaddiisii […]
Maxkamadda Ciidamada Oo Xukun Dil Ah Riddey
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukun dil ah ku ridday xubno lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Ururka Daacish halka kuwo kalena sii deysay. Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa waxaa uu magacyada labada nin ku kala sheegay Aadan Maxamed Cali […]
Recent Comments