Garashada Somaliland Iyo Joojinta Dagaalka Ceel-afweyn
Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad u abaabulan qaab beeleed ayaa ka socdan deegaanno ka tirsan gobolka Sanaag, gaar ahaan hoostaga deegaanka Ceel-afweyn ee gobolkaasi. Waxa uu dagaalkan, 24-kii saac ee lasoo dhaafay uu ku fiday deegaanno badan, iyadoo khasaarahana uu aad u kordhay. Dhimashada ayaa ku dhow 30 qof, iyadoo 50 kalena dhaawac uu soo gaaray, […]
Dagaalkii Ceel-afweyn Oo Xoogeystay
Ugu yaraan 20 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen halka tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen kaddib dagaal beeleed saacadihii la soo dhaafay ka socday Gobolka Sanaag. Dagaalka u dhaxeeya labada Malleeshiyo beeleed oo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa aad u xoogeystay Isniintii shalay ahayd. Waxaa uu ku fiday […]
Miino Ku Qaraxday Gaari Ay Shacab Saarnaayeen, J/hoose
Wararka naga soo gaaraya Degmada DHoobley ee Gobolka Jubada hoose ayaa sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen Miino la kacday Gaari ay la socdeen. Tirada dadka dhimatay ayaa la isku khilaafsanyahay iyada oo saraakiisha caafimaadka Dhoobley ay sheegayaan in saddex qof oo rayid ah ku dhinteen qaraxa. Nuur Biixi oo ah isu duwaha […]
Duqa Muqdisho Oo u Digey Ciidanka Xoogga Dalka
Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa soo saartay amarro la xiriira dhinaca amniga si loo sugo amniga Magaalada Muqdisho. Mas’uuliyiinta dhinaca amaanka oo xalay ka qeybgalay shirka Amniga Qaranka oo lagu qabtay Muqdisho, ayaa laga soo saaray amarro dhowr ah. Duqa Muqdisho oo ka hadlayay kulankaas ayaa u digay Ciidanka xoogga dalka ee Tuutahooda ku dhexmara […]
Medeira oo bogaadiyay howlgallada Ciidamada Xoogga Dalka
Madaxa AMISOM ee Soomaliya, danjire Farncisco Madeira ayaa bogaadiyay howlgallada ciidamada xoogga dalka ay dib ugu xoreynayaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Mar uu hadal ka jeedinayay gabagabada kulan looga hadlayay qorshaha ka bixitaanka ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ayuu sheegay in ciidamada Soomaaliyeed ay naftoofda u hureen sidii ay uga adkaan lahaayeen al-Shabaab. “firfircoonida […]
RW Kheyre Oo Gaaray Gaalkacyo
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo safar dhulka ah uga soo baxay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug oo dhawaanahaan uu ku sugnaa ayaa galabta gaaray magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ay safarkiisa ku wehliyaan wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ciidan, mas’uuliyiin kale iyo howl-wadeenno badan ayaa si heer […]
Golaha Shacabka Oo Ansixiyey Xeerka Saxaafadda
Xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay Xeerka Saxaafdda Soomaaliya. Xeerkan oo ay Xildhibaannada saaka mariyeen aqrinta 3aad ayaa markii ay dhameeyeen kaddib cod loo qaaday waxaana oggolaatay 139 Xildhibaan halka hal Xildhibaan uu ka aamusan mana jirin Xildhibaan diiday. Xeerkan oo heerar kala duwan soo maray ayaa waxaa horay u ansixiyay Baarlamaankii sagaalaad,waxaase la […]
Brazil Oo Hanatay Koobka Copa América 2019
Xulka qaranka Brazil ayaa ku guuleystay tartanka Copa América 2019, kaddib markii ay 3-1 uga adkaadeen dhiggooda Peru kulankii Final-ka ahaa ee ka dhacay garoonka Maracanã. Kulankan waxaa goolka la horreeyey xulka Brazil, waxaana goolka hore u daah furay 15’daqiiqo ciyaaryahan Everton, kaddib caawin uu ka helay Gabriel Jesus, Peru ayaana lagu hoggaamiyey 1-0. Peru […]
Gabdhaha Maraykanka Oo Ku Guuleystay Koobka Adduunka
Xulka qaranka ee Gabdhaha Mareykanka ayaa ku guuleystay Koobka Adduunka Dumarka ee 2019, kaddib markii ay kaga adkaadeen 2-0 dhiggooda Netherlands,kulankii kama dambeysta ahaa ay wada ciyaareen. Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro 0-0 ah. Markii dib la isugu soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta labada xul qaran ayaa waxay soo bandhigeen […]
Amniga Muqdisho Oo Laga Shiray
Kulankaan looga hadlayay amniga Caasimadda ayaa xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaana ka qaybgalay mas’uuliyiin kala duwan. Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shir gudoomiyay fadhigaan oo la isaga xog wareysanayay Amniga Caasimadda iyo howlgaladii ugu dambeeyay. Duqa Muqdisho ayaa sheegay in kulanka lagu soo bandhigay warbixin la xiriirta in howlgalo lagu soo […]
Dagaal Ka Dhacay Sanaag
Inta la xaqiijiyay Lix ruux ayaa ku dhintay Afar kalena waa ku dhaawacmeen dagaal gelinkii dambe ee shalay Labo malayshiya-beeleed ku dhexmaray nawaaxiga degmada Ceel Afweyn ee galbeedka gobolka Sanaag. Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu ka dhacay degaanka Duud-Carraale oo hoosyimaada degmada Ceel Afwe ee gobolka Sanaag kadib markii ay mid kamid ah labada […]
Xukun Lagu Riday Wariye C/maalik Coldoon
Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ayaa wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ku xukuntay xabsi dhan Sadex Sano iyo lix Bilood Wariye Coldoon ayaa Saaka waxaa lasoo taagay Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ee Caasimada Maamulka Somaliland. xeer ilaalinta dacwada ku soo oogtay Ayaa Wariyaha ku Soo oogay Qodobo Dhawr Ah iyo Markhatiyaal la Dhegaystay Dhawr mark […]
Recent Comments