Newsletter subscribe
Archive

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Posted: July 8, 2019 at 7:36 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Qarax ayaa waxaa uu ka dhacay Degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho,iyada oo ilaa hadda aan la sheegin khasaaraha ka dhashay. Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Digfeer, waxaana halkaas Gaariga qarxay ku celinayay Ciidamada dowladda sida ay sheegeen saraakiisha amaanka. Gaariga oo noociisa ahaa Prado ayaa waxaa ku jiray sida la sheegay Labo nin oo doonayay […]

No Comments read more

Madaxweyne Muuse Biixi Oo Eedeyn u Jeediyey DFS

Posted: July 7, 2019 at 11:21 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminaayey  ee safarka ugu maqnaa dalka  Gini ayaa maanta Somaliland dib ugu soo laabtey isla markaana si balaaran Hargeysa loogu soo dhaweeyey. Madaxweyne Biixi ayaa safarkaasi faah faahin dheeraad ah ka bixiyey  islamarkaana waxaa uu si kulul uga jawaabey hadalkii dawlada Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Gini xilli uu […]

No Comments read more

Kulmada Caawa Ee Wareegga 16-ka Qaramada Africa, Finalka Copa America Iyo Finalka Koobka Adduunka Ee Dumarka

Posted: July 7, 2019 at 11:11 am   /   Featured, Sport

Tartankan koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019 ayaa si habsami leh uga socda Magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar oo sanadkan iyagu ay marti-gelinayaan tartankan. Waxaa la isla soo gaaray wareegiisa 16-ka koobka qarammada qaaradda Afrika ee 2019, iyadoo caawa la ciyaari doono 2 kulan ka tisran, waxaana is arki doona xulalka kala ah Madagascar […]

No Comments read more

Mudaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay K/Africa

Posted: July 7, 2019 at 6:43 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Burcad Koofur Afrikaan ah ayaa xalay fiidkii dalka Koofur Afrika ku dilay muwaaddin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Xuseen Cali Saqiir. Dilka ayaa ka dhacay degaanka Naas ee Gobolka Mpumalanga,ee dalka Koofur Afrika isaga oo ku sugnaa dukaan uu ka shaqeynayay. Xuseen Cali Saqiir ayaa dalka Koofur Afrika joogay muddo sideed bilood ah kaliya, waxaana […]

No Comments read more

DFS Oo Hal Arrin Ka Codsatay Ajaaniibta Deggan Xalane

Posted: July 7, 2019 at 6:40 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa warqad u dirtay Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, safaaradaha , sharikadaha duullimaadka iyo dhamaan hay’adaha kale ee shisheeye ee deggan Magaalada Muqdisho. Warqadda ayaa ujeedadeedu ahayd in Dadka ay ku socoto warqaddaas magaca Garoonka Adan Cadde uusan ahayn Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho balse uu yahay Garoonka Aada Cadde […]

No Comments read more

Nigeria Oo Taageertay Go’aankii DFS Xiriirka Ugu Jartay Guinea

Posted: July 7, 2019 at 6:37 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Nigeria ayaa waxaa ay taageertay go’aanka dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay dowladda Guinea oo soo dhaweyn ka careysiisay Soomaaliya u sameysay Madaxweynaha Maamulka Somaliland. Senator Shehu Sani oo ka mid ah aqalka sare ee dalka Nigeria ayaa Guinea ku eedeeyay in ay ku xadgudubtay midnimada Soomaaliya. Bartiisa Twitterka ayuu ku yiri: ” waa […]

No Comments read more

Jubbaland Oo Ka Hortimid Qorshaha Doorasho Ee DFS

Posted: July 7, 2019 at 6:35 am   /   Arrimaha Siyaasada

Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa jawaab ka bixisay warqad ka soo baxday Wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya oo ku saabsaneyd doorashada ka dhaceysa degaannada maamulka Jubaland. Wasiirka arrimaha gudaha Jubaland Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay in doorashada Jubaland ay u madaxbanaantahay maamulka dowladda Federaalka ahna aysan shaqo ku lahayn. Waxaa uu Wasiir Darwiish sheegay in doorashada […]

No Comments read more

DFS Oo Sheegtay Iney Jiraan Dalal Halis Ku Ah Qarannimada Soomaaliya

Posted: July 6, 2019 at 12:17 pm   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay kulan uu Muqdisho kula qaatay Danjirayaasha dalalka Caalamka u jooga Muqdisho. Wasiirka uu kulanka kaddib la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in qodobadii looga hadlay shirka ay ka mid ahayd in dowladda SOomaaliya soo dhaweysay heshiiska ay gaareen […]

No Comments read more

Somalida UK Oo Dhigay Dibadbax Cabasho Ah

Posted: July 6, 2019 at 6:37 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Soomaalida ku dhaqan degaanka Bury ee dalka UK ayaa dhigay banaanbax ay uga soo horjeedaan Gabar 12 jir ahayd oo lagu tuuray Wabiga Irwell ee Magaalada Lancashire. Shukri Yaxye Cabdi oo 12 jir ahayd ayaa Meydkeeda 28kii Bishii June laga helay Wabiga iyada oo aan la garaneyn cidda sidaas yeeshay. Qoyskeeda, deriska iyo Ardeydii ay […]

No Comments read more

DFS Oo Sameeneysa Guddiga Xakameeya Hubka Fudud

Posted: July 6, 2019 at 6:36 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa kala saxiixday qorshe lixda bilood ee soo socota lagu diyaarineyo Guddiga qaran ee xakameynta Hubka fudud iyo rasaasta. Warbixin ka soo baxday Dowladda Soomaaliya iyo Urur Goboleedka IGAD ayaa waxaa lagu sheegay in guddigaasi iyo shaqada uu qabanayo ay qeyb ka tahay qorshaha kala guurka ee Soomaaliya. Guddigan […]

No Comments read more

Xubno Ka Socda Golaha Shacabka Iyo K/galbeed Oo Gaaray Boosaaso

Posted: July 6, 2019 at 6:35 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddigii daba galka ku hayay dadkii lagu laayay Galmudug gaar ahaanna Gaalkacyo iyo Dhuusamareeb ayaa gaaray dhinaca Puntland waxaana ay la kulmeen mas’uuliyiin ka mid ah Maamulka Puntland. Wafdiga oo ku sugan Magaalada Boosaaso ayaa la fadhiistay Bulshada kasoo jeeda Deegaanada Koofur Galbeed, waxa ay kala hadleen sidii qaab wanaagsan ula noolaan lahaayeen dadka Boosaaso. […]

No Comments read more

Cuba Oo War Cusub Kasoo Saartay Dhaqaatiir Looga haysto Somalia

Posted: July 6, 2019 at 6:32 am   /   Arrimaha Siyaasada

Dowladda Cuba ayaa dhowr bilood kaddib ka hadashay halka ay ku dambeeyeen laba dhaqtar oo u dhashay dalkiida laguna afduubtay duleedka Magaalada Mandheera. Wasiirka Caafimaadka Dalka Cuba,Jose Angel Portal, oo shir jaraa’id ku qabtay Caasimadda Havana ayaa sheegay in dowladdiisu ay wax kasta ku bixineyso sidii loo siideyn lahaa labada dhaqtar. Waxaa uu sheegay in […]

No Comments read more