Newsletter subscribe
Archive

Ruushka iyo China oo ka aamusay cunaqabateyntii hubka ee lagu kordhiyay Soomaaliya

Posted: November 16, 2019 at 9:13 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa kordhiyay muddada ay Soomaaliya saarnaaneyso cunqabateynta dhinaca Hubka ah,waxaana sidoo kale lagu daray waxyaabo cusub oo aan horay uga mid ahayn cunaqabateynta. 15ka dal ee Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa xalay cod u qaaday in cunaqabateynta Soomaaliya ee dhinaca hubka lagu daro mudd hal sano ah,waxaana codbixintii ku […]

No Comments read more

Xilka qaadista Trump oo lugaha la gashay Soomaaliya

Posted: November 16, 2019 at 9:10 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wajahaya mooshin xilka qaadis ah waxaana maalintii 2aad la dhegeystay dacwadda isaga ku socota oo warbaahinta laga tabinayay. Danjirihii hore ee Mareykanka u qaabilsaneyd Dalka Ukraine Marie Yovanovitch oo qeyb lixaad leh ka ah mooshinka xilka qaadista Trump ayaa sheegtay in Madaxweynuhu uu shaqadeeda diblomaasiyadeed meel uga dhacay taas […]

No Comments read more

Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya Oo Warqadihiisii Aqoonsiga Laga Guddoomay

Posted: November 16, 2019 at 9:08 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dalka Itoobiya Haweeneyda lagu magacaabo Sahle-Work Zewde, ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoontay safiirka Soomaaliya ee Adis ababa C/Xakiin Xaaji Cumar Cameey. Munaasibad ka dhacday Madaxtooyada Adis ababa ayaa safiir Cameey looga guddoomay warqadaha aqoonsiga danjirenimo. Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Somaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo Isniintii tagey Magaalada Addis Ababa ayaa waxaa […]

No Comments read more

Cumar Finish: “Agaasime is qarxin rabay ayey hay’adaha amaanka haayaan”

Posted: November 16, 2019 at 8:37 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in intii uu xilka Guddoomiyaha Gobolka hayay Ciidamada sirdoonka ay gacanta ku dhigeen Agaasime ka tirsan Gobolka Banaadir oo isqarxin damacsanaa. Duqa Muqdisho oo jaaliyadda Soomaaliyeed ee Koofur Afrika la hadlayay ayaa sheegay in Qaraxii Gobolka Banaadir ee uu ku dhintay duqii hore, Guddoomiyayaal […]

No Comments read more

Xildhibaannada Puntland Oo Doortay Guddoomiye Cusub

Posted: November 14, 2019 at 10:24 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Garowe ee xarunta dowlad Goboleedka Puntland. Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Maamulka Garowe. C/Rashiid waxaa uu helay 46 cod oo ka mid ah 63 Xildhibaan oo ka qeybqaatay codbixinta Guddoomiyaha Baarlamaanka […]

No Comments read more

Maxkamadda Ciidamada Oo Xukuntay Xobno Loo Haysto Al-shabaabnimo

Posted: November 14, 2019 at 10:23 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukun ku ridday Afar qof oo lagu eedeeyay in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab. Afarta Qof ayaa lagu sheegay in ay ka mid ahaayeen Shabakad ka jirtay Galbeedka Muqdisho islamarkaana dilal ka geysan jirtay halkaas. Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute ayaa waxaa […]

No Comments read more

Soomaali Lagu Diley Koonfur Africa

Posted: November 14, 2019 at 10:21 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka ka imanaya Dalka Koofur Afrika ayaa sheegaya in muwaaddin Soomaaliyeed uu dalkaas xalay ugu geeriyooday dhaawac ay u geysteen koox Burcad hubeysan ahayd. Siciid Xasan oo ka mid ahaa Ganacsatada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika ayaa koox hubeysan ku weerareen dukaan uu ku lahaa duleedka Magaalada Humansdrop ee Gobolka Eastern Cape. Dhaawacii ka soo gaaray […]

No Comments read more

Xasan Cali Kheyre oo la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub

Posted: November 14, 2019 at 10:20 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ra’isalwasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka kula kulmay Madaxweyne ku xigeenka Ururka Midowga Yurub Federica Mogherini. Kulanka ayaa looga hadlay xariirka xooggan ee ka dhexeeya midawga Yurub iyo Soomaaliya, nabadda, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo taageerada xoojinta dimuquraadiyadda. Federica Mogherini oo sidoo kale ah wakiilka midawga Yurub ee arrimaha dibadda […]

No Comments read more

Dhoobo Daareeed “Wada lahaanshihii Puntland wuu dhamaaday”

Posted: November 14, 2019 at 10:18 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maamulka Puntland Cabdi Xakiin DHoobo Daareed ayaa sheegay in wada lahaanshaha dowlad Goboleedka Puntland  uu dhamaaday maaddaama koox gaar ah xoog kula wareegtay Puntland. Dhoobo Daareed ayaa sheegay in Kooxda uu hoggaamiyo Siciid Cabdullahi Deni ay uga adkaadeen siyaasad ahaan hase ahaatee ay adeegsadeen lacag iyo xoog. Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland oo […]

No Comments read more

Farmaajo: “Waddamada deriska waxaan ula heshiiyay si aysan u soo marin D.Goboleedyada”

Posted: November 14, 2019 at 10:17 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka hadlay sababta uu xiriir wanaagsan ula yeeshay dalalka deriska la ah Soomaaliya. Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa arrintaas ku sababeeyay in haddii uusan la saaxibi lahayn dowladaha deriska ah ay danahooda ka dhex raadsan lahaayeen dowlad Goboleedyada halkaasna u soo mari lahaayeen xasilooni la’aanta Soomaaliya. […]

No Comments read more

Mas’uuliyiin Lagu Diley Balcad, Shabellaha Dhexe

Posted: November 13, 2019 at 9:07 am   /   Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Wararka naga soo gaaraya duleedka Magaalada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Guddoomiye iyo ku xigeenkiisa. Labada qof ee la dilay ayaa la sheegay in ay mas’uuliyiin ka ahaayeen degaanka Cadayga oo ku yaalla duleedka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeella dhexe. Magacyada mas’uuliyiinta la dilay ayaa waxaa lagu kala […]

No Comments read more

Diyaarad ku soo jeedday Muqdisho oo ku cilladowday hawada

Posted: November 13, 2019 at 9:04 am   /   Featured, Arrimaha Siyaasada

Diyaarad Xamuul ah kuna soo jeedday Magaalada Muqdisho ayaa shalay cilladi ku wajahday Hawada waxaana ay si deg deg ah ugu degtay Magaalada Gaarisa. Diyaaraddan oo ka soo duushay Magaalada Nairobi kuna soo jeedday Muqdisho ayaa waxaa ay cilladi ka soo gaartay Matoorka,waxaana ay si deg deg ah u caga dhigatay Magaalada Gaarisa. Diyaaradda Xamuulka […]

No Comments read more