Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Banaanbax Ka Dhan Ah DFS Oo Ka Dhacay Kismaayo

Posted: August 31, 2019 at 11:09 am   /   by   /   comments (0)

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbalada Hoose waxaa ka socda banaanbax balaaran oo ay ka qayb qaadanayaan qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool Magaalada Kismaayo ee Xarunta ku meel gaar ah ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Boqolaal shacab ah ayaa isku soo baxay Wadooyinka Magaalada Kismaayo waxa ayna ka biyo diidsanyihiin  go,aankii ay qaadatay Xukumada Faderaalka  Federaalka Soomaaliya.

Banaanbaxaan ay ka qayb qaadanayaan Shacabka Kismaayo ayaa waxaa soo qaban qaabiyay Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland waxa ayna ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah Xukumadda Faderaalka Soomaaliya.

Dowlada Soomaaliya ayaa horay waxba kama jiraan ugu tilmaantay Doorashiidii uu dhawaan ku soo baxay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay mana jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo magaalada ka socda sida ay soo sheegayaan wariyayaasha ku sugan Xarunta Gobolka Jubbada hoose.