Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Beesha Caalamka Oo Aqbali Doonin Natiijada Doorashooyinka Jubbaland, Haddii..
Beesha Caalamka ayaa si cad uga soo horjeesatay muddo kordhin dhawaan ay sameeyeen Guddiga doorashada Jubaland islamarkaana musharrixiinta mucaaridka ah loogu oggolaanayay in ay isdiiwaan geliyaan.
Warqad ka soo baxday Beesha Caalamka kuna qorneyd luuqad adag ayaa waxaa lagu sheegay in Guddiga doorashada Jubaland ay sameeyeen wax ka duwan wixii ay Beesha Caalamka kala hadleen markii ay ku kulmeen Magaalada Kismaayo.
Warqadda waxaa lagu sheegay in loo baahanyahay doorasho loo dhanyahay islamarkaana si siman oga qeyb galaan dhamaan qeybaha daneeyayaasha Jubaland.
Waxaa kale oo lagu sheegay in waqti kordhinta ay sameeyeen Guddiga doorashada Jubaland ay aad u kooban tahay marka loo eego wixii ay ka wada hadleen dhinacyada Beesha Caalamka iyo Guddiga doorashada Jubaland.
Beesha Caalamka ayaa sheegtay in xaalad halis ah ay gelin karto degaanka Jubaland qaabka ay hadda wax ku socdaan walaac badanna ka muujinayaan hanaanka aan dheeli tirneyn ee ay u socoto doorashada Jubaland.
Waxaa kale oo ay sheegeen in hanaanka ay hadda wax u socdaan saameyn ku yeelan karto amaanka, dhaqaalaha iyo degenaanshaha degaannada Jubaland.
Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in si deg deg wax wax ka beddel loogu sameeyo hanaanka doorashada Madaxweynaha ee Jubaland u qorsheysan.
Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa waxaa shalay ka dhacday doorashada Baarlamaanka waxaana midda Madaxweynaha ay ka dhigeen 22ka Bishan markii Wakiillada Beesha Caalamka Kismaayo u tageen xallinta arrintan.
Warqadda ka soo baxday Beesha Caalamka ee lagu diiday isbeddelkii ay sameeyeen Guddiga doorashada Jubaland waxaa ku saxiixnaa James Swan oo ah Wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya.
Recent Comments