Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Beesha Caalamka oo taageertay wada xaajoodka ka socda Galmudug

Posted: July 3, 2019 at 8:16 pm   /   by   /   comments (0)

Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya ayaa soo dhaweeyay wada xaajoodka ka socda deegaanada Galmudug ee ay garwadeenka ka tahay Xukuumada Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay beesha Caalamka ayaa lagu soo jeediyay in halkooda ay ka sii socdaan wada xaajoodka la isugu keenayo dhinacyada Siyaasada ku kala irdhoobay, si loo gaaro natiijo wax tar leh.

“Waan bogaadineynaa wada xaajoodka Galmudug ee lagu mideynayo maamulka, lagu horumarinayo xasiloonida dhinacyadana la isugu keenayo, Geedi u socodka oo lagu saleeyo dib u heshiisiin loo dhan yahay waxay hor-seedeysaa doorashada madaxweyne xor iyo xalaal ah, kana fog qalalaaso,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalkan waxaa ku saxiixan wadamada kala ah; France, Finland, Denmark, Germany, Italy, Poland, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, Turkey, Ingiriiska iyo Mareykanka.

Waxaana sidoo kale ku xusan Ururada kala ah; Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo Urur Goboleedka IGAD.