Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

BFS Oo Ka Hadlay Qaraxii Xarunta Dowladda Hoose

Posted: July 25, 2019 at 7:46 am   /   by   /   comments (0)

Guddoomiyayaasha labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay weerarka lagu qaaday xarunta aqalka dowladda hoose ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal SH. C/Raxmaan ayaa sheegay in uu ka tacsiyadeynayo weerarka lagu qaaday xarunta Gobolka Banaadir.

Maxamed Mursal ayaa caafimaad u rajeeyay dhibbanayaasha ku dhaawacmay weerarka ee uu ka mid yahay duqa caasimadda Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Yariisow.

Waxaa kale oo uu u duceeyay dadka ku dhintay weerarkaas ee u badnaa Guddoomiyayaasha degmooyinka Gobolka Banaadir iyo agaasimayaasha kale ee Gobolka ee weerarkaas ku dhintay.

Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa dhinaciisa ka tacsiyadeeyay weerarkaas oo uu ku tilmaamay mid laga xumaado.

Cabdi Xaashi ayaa caafimaad u rajeeyay dadka ku dhaawacmay weerarkaas waxaa kale oo uu janno u rajeeyay dadka ku dhintay weerarka.

Guddoomiyaha Aqalka sare ayaa habaaray cidda weerarkaas ka dambeysay,waxaana uu masiibo u rajeeyay cidda weerarkaas geysatay.