Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliiska Kenya Oo Weli Cabsho Ka Ah Gaadiid Laga Iibiyey China

Posted: October 27, 2019 at 11:13 am   /   by   /   comments (0)

Saraakiisha Booliska Dalka Kenya ayaa walaac ka muujiyay Gaadiidka APCs ee ay adeegsadaan Booliska dalkaas.

Madaxda Booliska ee cabashada ka muujiyay Gaadiidkan ayaa sheegay in markii hore loogu sheegay in aysan rasaasta iyo qaraxyada karin hayeeshee aysan taas xaqiiqda ahayn.

Saraakiil qariyay magacooda ayaa u sheegay Daily Nation in Gaadiidka uusan lahayn qalabka beddelka (Spare parts-ka), waxaa kale oo ay sheegeen in marka dhowr jeer oo rasaasta yar yar ay ku dhacdo uu Gaariga is xiro halisna u galaan in ay ku dhex dhintaan.

Dowladda Kenya ayaa waxaa ay sanadkii 2016kii Dowladda China ka iibsatay Gaadiidkaas oo qiimaha ku kacay 3.8 bilyan oo shilinka Kenya.

Intooda badan waxaa ay u dhamaadeen Qaraxyada Miinada ah ee Al-shabaab ka fuliyaan Gobollada kala duwan ee dalka Kenya.

Weerarkii ugu dambeeyay waxaa uu ka dhacay Libooyo waxaana lagu dilay 11 Askari oo Gaarigii ay wateen uu Miino dul maray halkaas oo ay ku dhinteen.

Sidoo kale Saraakiisha ayaa u sheegay Daily Nation in Dadka farsameeya gaadiidkaas aysan heysan Kenya, khubarro ka socda Chinana ay joogaan Nairobi dhibna ku tahay in ay dhaqsi ku tagaan meelaha weerarrada lagula beegsado Ciidamada.

Charles Owino oo ah Afhayeenka Booliska Dalka Kenya ayaa ka gaabsaday in uu warbaahinta kala hadlo arrintan.