Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Kenya oo sheegay in ay dileen Nin la dhashay ninkii isku qarxiyay weerarkii Dusit D2

Posted: September 9, 2019 at 8:14 am   /   by   /   comments (0)

Booliska Dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ay dhawaan dileen Nin la dhashay Ninkii sanadkii hore isku qarxiyay Hotelka Dusit D2 ee Magaalada Nairobi.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in ay ogaadeen in  Mohamed Rashid Mwatsumiro, oo ay 30kii Bishan ku dileen Gobolka Kwale ayaa sheegay in uu la dhashay Ninkii billaabay weerarkii Dusit D2, kaas oo lagu magacaabayay Mahir Khalid Riziki.

Labada Nin ee walaalaha ah ayaa la sheegay in ay ku tababarteen gudaha Soomaaliya markii horena u safreen Tanzania kaddibna dib ugu laabteen dalka Kenya.

Booliska ayaa xaqiijiyay in ay rumeysanyihiin in qoyskaasi dhamaantood ka tirsanyihiin Al-shabaab.

Modi, ayaa 30kii August Ciidamada Kenya kula dagaallamay Guri uu ka degganaa degaanka Kwale halkaas oo ay rasaas isku dhaafsadeen islamarkaana sababtay in uu geeriyoodo.