Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Booliska Somaliland oo xabsiga dhigay mas’uuliyiin ka tirsan Waddani

Posted: November 18, 2019 at 7:35 am   /   by   /   comments (0)

Booliska Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigay Xoghayaha iyo Afhayeenka Xisbiga Waddani ee degaannada Somaliland.

Waxaa sidoo kale ciidan lagu hareereeyay xarunta Xisbiga ku leeyahay Magaalada Hargeysa iyada oo laga cabsi qabo in ay rabshado ka dhacaan halkaas.

Dhacdooyinkan ayaa yimid kaddib markii Guddoomiyaha Xisbiga C/Raxmaan Cirro uu taageerayaashiisa ugu baaqay banaanbax ka dhan ah Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay in uu sharciga ku xadgudbay.

Saraakiisha Booliska Somaliland ayaa ka digay banaanbaxyada maanta laga qorsheynayo Hargeysa iyada oo taliyayaasho soo saareen digniin ka dhan ah Banaanbaxayaasha.

Sidoo kale Ciidamo dheeraad ah ayaa saaka lagu daadiyay waddooyinka muhiimka ah ee Hargeysa si ay uga hortagaan haddii taageerayaasha Xisbiga Waddani ku adkeystaan banaanbaxa ay qorsheynayaan.