Featured, Arrimaha Siyaasada
Burcad Badeed Soomaali ah oo siideysay Nin u dhashay Iraan
Dowladda Iraan ayaa xaqiijisay in Kooxaha Burcad badeedda Soomaalida ah ay siidaayeen Muwaaddin u dhashay dalkeeda oo ay muddo heysteen.
Mohammad Sharif Panahandeh, ayaa muddo afar sano ah gacanta ugu jiray kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah.
Waxaa uu ku xanuunsaday gacanta kooxaha Burcad Badeedda ah waxaana siideyntiisa ka caawiyay Hay’ad ka shaqeysa la xaajoodka dadka la afduubo.
Saddex qof oo kale oo u dhashay Iraan ayaa wali gacanta ugu jira Kooxaha Burcad Badeedda Soomaalida ah sida uu sheegay John Steed, oo ah sarkaal u hadlay Hay’adda Shariif ka caawisay in la siidaayo.
Waxaa loo qaaday Dalka Itoobiya halkaas oo lagu daweynayo Isbitaalka ku yaalla Adis ababa kaddibna waxaa loo duulin doonaa dalkiisa Iraan.
Shariif ayaa u mahadceliyay Hay’adda caawisay, dowladda Itoobiya, Maamul Goboleedka Puntland iyo dowladdiisa Iraan.
John Steed, ayaa sheegay in xaaladda Shariif ay sii adkaatay Burcad Badeeddana ka doonayeen madax furasho.
Bishii March 2015kii ayaa laga qabtay Xeebaha Soomaaliya iyaga oo la socdau Doon Kalluumeysi sharci darro ah ka wadday biyaha Soomaaliya.
Recent Comments