Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Canada Oo Ka Qeybgaleysa Dagaalka Ka Dhanka Ah Al-shabaab

Posted: July 15, 2019 at 8:18 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Canada ayaa ku dhawaaqday in ay dowladda Federaalka ah ee SOomaaliya ka taageereyso dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Ra’isalwasaraaha Dalka Canada Justin Trudeau , ayaa sheegay in dowladdiisa ay kala shaqeyneyso dowladda Soomaaliya sidii ay Soomaali u noqon lahayd nabad islamarkaana u gaari lahayd meel ay ku nabad gasho warbaahinta.

Waxaa uu sidoo kale tacsi u diray dadkii ku dhintay weerarkii Kismaayo oo dadkii ku dhintay ay ka mid ahayd Hodon Naaleeye oo ahayd Soomaali Canadiyaan.

Ra’isalwasaare Justin Trudeau, ayaa waxaa uu sheegay in Canada oo kaashaneysa Beesha Caalamka ay ka shaqeyn doonto sidii xididdada loogu siibi lahaa xagjirnimada sida uu hadalka u dhigay.

Weerarkii Kismaayo ayaa waxaa ku dhintay 26 qof oo 10 ka mid ah ay ahaayeen Ajaanib u kala dhashay Waddamada Mareykanka, UK, Canada, Kenya, Tanzania iyo kuwo kale.

Waxaa sidoo kale weerarkii Hotelka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo ku dhaawacmay 56 qof oo ay ku jireen dad u dhashay Dalka China.