Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidamada AMISOM Oo Ka Guuray Warsheekh
Ciidamada AMISOM ee ku sugnaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe ayaa isaga baxay degmadaas iyaga oo amaanka degmada ku wareejiyay Booliska Soomaaliya.
Ciidanka AMISOM ayaa isaga guuray War-sheekh oo ay amaankeeda sugayeen shantii sano ee la soo dhaafay.
Goobaha ay banneeyeen Ciidamada AMISOM ayaa waxaa ku wareegay Ciidamada Booliska ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle.
Munaasibaddii Ciidanka AMISOM ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha dhexe Axmed Mayre, Taliyaha Booliska Hirshabeelle Xasan Dhisicow, siiyaha Guddoomiyaha degmada War-sheekh Axmed Shiidka iyo xubno kale.
Ciidamada AMISOM ee ka guuray War-sheekh ayaa waxaa ay degeen Xero ciidan oo ku taalla duleedka Magaalada taas oo lagu magacaabo Qoroloow .
Recent Comments