Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidamada Midowga Yurub Oo Badbaadiyey Ciidan DFS Oo Doon Kula Rogmatay Sh/dhexe
Howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa sheegay in ay badbaadiyeen Doon ay la socdeen Ciidamo ay leedahay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Ciidamada Soomaalida ah ayey Doonta kula qallibantay meel 60km u jirta Magaalada Cadale ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Howlgalka Midowga Yurub ee Biyaha Soomaaliya ee loo yaqaano Atlanta ayaa sheegay in codsi uu uga yimid Doonta ku cilladowday biyaha dhexdooda iyana gurmad u sameeyeen.
Waxaa ay sheegeen in Doontaas ay cillad haleeshay shaqaalaha saaranna ka walaacsanaayeen noloshooda islamarkaana farriin codsi ah u direen Ciidamada Midowga Yurub ee jooga biyaha Soomaaliya.
Sawirro ay sii daayeen Howlgalka Atlanta ayaa waxaa ka muuqanaya iyaga oo gargaar caafimaad u sameynaya Ciidamada Soomaaliya ee ay badda ka badbaadiyeen.
Dhowr maalmood ka hor Doon ay la socdeen Ciidamada Dowladda Soomaaliyaa ku degtay Xeebaha Degaanka Cadcaddeey ee Gobolka Shabeellaha hoose, dhowr iyo toban ka mid ah Askartaas ayaa la soo badbaadiyay halka kuwo kale la la’yahay.
Al-shabaab ayaa sheegatay in Doontaas ay weerartay islamarkaana iyada quusisay kuna dishay afar ka mid ah Ciidamada dowladda Soomaaliya.
Howlgalka Atlanta ayaa shaqadiisa ay tahay la socodka Kooxaha Burcad badeedda, ilaalinta Maraakiibta Hay’adaha samafalka sida WFP iyo wixii la mid ah.
Recent Comments