Newsletter subscribe

Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidan ka howlgalay Soomaaliya oo lagu laayay Burundi

Posted: November 19, 2019 at 9:59 am   /   by   /   comments (0)

40 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Dalka Burundi ayaa lagu dilay weerar gaadmo ahaa oo Sabtigii ka dhacay Gobolka Cyibitoke  ee dalka Burundi.

Ciidamadan oo ka baxay Soomaaliya kana mid ahaa howlgalka AMISOM ayaa dib ugu laabtay dalkooda,waxaana ay weerar kala kulmeen Kooxo ka dagaallama dalkaas halkaas oo lagu dilay afartan ka mid ah.

Revelian Ngomirakiza, oo hoggaaminayay Ciidamada la weeraray oo ka tirsan guutada 46aad ee Ciidanka Burundi ayaa sheegay in weerar yaab leh ay la kulmeen khasaaro badana ka soo gaaray.

Warbaahinta Gudaha dalka Burundi ayaa qoraya in koox ka soo horjeedda Madaxweynaha Burundi Nkurunziza ay ka dambeeyeen weerarkaas iyada oo ilaa hadda aanay mas’uuliyadda sheegan.

Dadka degaanka ayaa Warbaahinta gudaha Burundi u sheegay in kooxda weerarka geysatay oo boqolaal gaarayay ay wateen Lebbiska Milatariga Dalka Burundi.

Saraakiisha Ciidanka Burundi ayaa sheegay in tirakoob ay sameeyeen ku ogaadeen in Askar kale ay wali maqanyihiin kuwaas oo ay u badantahay in la kaxeystay.

Daraasiin kale oo dhaawac ah ayaa Isniintii la geeyay Isbitaallada waaweyn ee dalka Burundi kuwaas oo qaba dhaawacyo culus.

Dalka Burundi waxaa uu doorasho madaxtinimo isu diyaarinayaa sanadka soo socda ee 2020ka,waxaana shaki badan ka jiraa sida doorashadaas ugu dhici karto si xalaal ah.