Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidanka Burundi Ee Jooga Somalia Oo Dhaqaale Ka Helay Trump
Ciidamada Burundi ee ku jira Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa noqday qeybta ugu badan ee ka faa’idi doonta lacag farabadan oo uu Donald Trump u qoondeeyay Ciidamada Midowga Afrika ee ka howlgala Soomaaliya.
Wargeyska Indian Newsletter, ayaa sheegay in Ciidamada Burundi ay heli doonaan $25Milyan oo doollarka Mareykanka ah.
Waxaa sidoo kale lacaga Trump u qoondeeyay AMISOM sanadkan ka faa’idaya dalka Uganda oo isna Ciidankiisa Soomaaliya jooga aysan mushaar qaadan tan iyo January 2019ka.
Sida Wargeysku sheegay lacagaha kale ee Trump ugu deeqay Midowga Afrika waxaa lagu bixin doonaa halka uu Trump doorto waxaana ka mid ah Howlgalka Saxaraha galbeed ee loo soo gaabiyo G5.
Midowga Yurub ayaa sanadkii 2016kii jaray 20% Dhaqaalihii ay ku bixin jireen howlgalka AMISOM ee Soomaaliya taas oo caqabad ku noqotay howlaha AMISOM ee Soomaaliya.
Sanadkii hore Midowga Afrika ayaa Soomaaliya gaar ahaanna Maamulka Hirshabeelle ka saaray 1,000 Askari oo ka mid ahaa Ciidanka Burundi ee Shabeellaha dhexe.
Dowladda Burundi ayaa aad uga carootay arrintaas waxaana ay ku doodday in awoodda ciidankeeda ay is dhintay islamarkaana weerarrada AL-shabaab ay dhibaato ka soo gaari karto.
Bishii September ayaa weerar ka dhacay Degaanka Gololey ee Gobolka Shabeellaha dhexe waxaa lagu dilay 12 ka mid ah Ciidamada Burundi,waxaa sidoo kale AL-shabaab horay u kaxeysteen labo kale sida Dowladda Burundi ay sheegtay.
Waxaa ka sii horeeyay weerarro dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay Ciidanka Burundi oo ka dhacay Waddada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar.
Recent Comments