Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Ciidanka DFS Oo Lagu Eedeeyey Dilka Dad Rayid Ah

Posted: July 31, 2019 at 7:16 am   /   by   /   comments (0)

Ugu yaraan lix Ruux ayaa la xaqiijiyay in ay dhinteen halka qof kalena la la’yahay kaddib markii Ciidamada dowladda Soomaaliya ee deggan Garoonka Balli-Doogle ay weerareen Dad lagu sheegay in ay Beeraley ahaayeen.

Raggan ayaa la sheegayaa in iyaga oo jooga Beer ay ku leeyihiin duleedka Degmada Wanllaweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose ay la kulmeen weerarka.

Mid ka mid ah dadka degaanka ayaa u sheegay Warbaahinta in Ciidamada dowladda ee Balli Doogle deggan ay Rag isku Qoys ah ku dileen halkaas.

Cumar Shidane oo ka mid ah Ehelka Ragga la laayay ayaa sheegay in Ciidamada loo yaqaano Bangarafta ay ku weerareen Raggaas beer ay ku lahaayeen banaanka Wanllaweyn kuna dileen lix qof, qofkii todobaadna maqanyahay.

Waxaa uu sheegay in dadka la dilay uu ka mid yahay Nin da’diisa uu ku sheegay 50 jir oo ka mid ahaa dadka beerta ku sugnaa.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ee Balli Doogle wali kama hadlin eedda loo jeediyay iyo haddii Ragga ay beerta ku laayeen ku tuhmeen in ay ka tirsanyihiin Al-shabaab ama si kale isugu dhaceen.