Xulashada Tafatiraha, Featured, Arrimaha Siyaasada
Ciidanka Jubbaland Oo Howlgal Ka Sameeyo Kismaayo
Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa howlgali guri guri ay ku baarayeen ka sameeyeen Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.
Sida xaqjiijiyeen dad ku sugan Magaalada Kismaayo, howlgalka ayaa si gaar ah ugu dhacay guryo ku yaalla Xaafadaha Faanoole iyo Calanleey.
Ciidamada ayaa gaadiid nuuca dagaalka ah dhigtay waddooyinka xaafadaha ay ka howlgalayeen, iyaga oo hakad geliyay isku socodka gaadiidka iyo dadka.
Qaar kamid ah dhalinyaro ku sugneen Xaafadaha Faanoole iyo Calanley ayay ciidamada ammaanka u wateen tuhun, halka qaarkood ay dib usii daayeen baaris kooban oo ay ku sameeyeen kadib.
Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa kordhiyay howlgalada ay ka sameynayaan Xaafado katirsan Magaalada Kismaayo oo ah xarun KMG u ah Maamulka Jubbaland.
12-kii bishaan Al-Shabaab waxa ay weerar ku qaadeen Hotel ku yaalla Kismaayo, waxaana ay u adeegsadeen gaari walxaha qarxa lagu soo raray iyo dagaal koox hubeysan gudaha ay u galeen Hoteelka.
Weerarkaan inta uu xaqiijiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) waxaa ku dhintay 26-ruux oo Soomaali iyo Ajaanib isugu jirtay, halka ay ku dhaawacmeen 56-kale.
Kulankii ugu dambeeyay ee looga hadlayay amniga Jubbaland, Madaxweyne Axmed Madoobe waxa uu sheegay in aysan gorgortan ka geli doonin sugidda amniga.
Recent Comments