Newsletter subscribe

Featured, Arrimaha Siyaasada

Cuba Oo Ka Walaacsan Xaaladda Dhaqaatiir Lagu Qafaashay Soomaaliya

Posted: August 1, 2019 at 10:47 am   /   by   /   comments (0)

Dowladda Cuba ayaa rajo xumo ka muujisay in ay dib xorriyaddooda u helaan laba dhaqtar oo u dhashay Dalka Cuba kuwaas oo Bishii Afaarad laga abduubtay degaanka Mandheera ee ka tirsan Gobolka Soomaalida Kenya.

Madaxweynaha Dalka Cuba Miguel Diaz-Canel, ayaa la kulmay qoysaska ay ka soo kala jeedaan labada dhaqtar,waxaana uu ugu laab qaboojiyay in dowladda ay xoogga saareyso sidii Dhaqaatiirtaas dalkooda loogu celin lahaa.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya ay kala shaqeynayaan sidii loo sii deyn lahaa labada dhaqtar isaga oo xusay in hanaanka loo marayo siideyntooda ay aad u adkaatay.

Wasiirka Caafimaadka dalka Cuba, ayaa sheegay in xiriirka dadka heysta Dhaqaatiirta iyo dadka raadinaya ay aad u adkaatay islamarkaana waqtiyadii ugu dambeeyay yaraatay xogtii laga hayay.

Dowladaha Kenya iyo Cuba ayaa rumeysan in labada Dhaqtar ay afduubteen AL-shabaab islamarkaana lagu hayo meel ka mid ah Gobollada Jubooyinka iyo Gedo ee Soomaaliya.